Madaxweyne Muuse Biixi oo Canaan u jeediyey Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa

 

“Waxa laygu maagaa Dowladda Hoose saaxiib baa tihiin oo sawir weyn baad ku wada jirtaan, dadkuna way ka cabanayaan, dee labadaas isku heli maysaan, haddaydaan magaalada wax ka qabanayn,” – Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maamulka Golaha Deegaanka ee Hargeysa ku cannaantay wax-ka-qabasho la’aanta cabashooyin la xidhiidha Hawlaha Dowladda Hoose oo inta badan ka soo yeedha dadweynaha ku dhaqan caasimadda.

Madaxweyne Biixi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad uu ku dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka oo laga hirgelinayo Kheyriyadii hore ee Hargeysa, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen maayarka iyo maayar-ku-xigeenka Caasimadda, waxa uu sheegay in isagoo madaxweynihii Qaranka ah lagu tuhunsan yahay inuu Maamulka dowladda Hoose kaga raalli yahay sida ay u shaqeeyeen, shacabkiina wax-qabad la’aan kaga cabanayo, sidaas awgeed aanay suurto-gal ahayn inay isku helaan labadaas qodob, balse looga baahan yahay dedaal dheeraad ah iyo Wax-ka-qabashada cabashada Shacabka.

“Dowladda Hoose ee joogtana waxaan doonayaa inaan halkan ka faro; dedaal badan baa laydinka baahan yahay. Waxa laygu maagaa Dowladda Hoose saaxiib baa tihiin oo sawir weyn baad ku wada jirtaan, dadkuna way ka cabanayaan, dee labadaas isku heli maysaan, haddaydaan magaalada wax ka qabanayn,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynaha oo hadalkan ka jeediyey Madal goob-joog ay ku ahaayeen Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Cabdicasiis Caga-weyne.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey in la beddeli doono magacyada loo bixiyey Jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka, isla markaana guddi heer qaran ah loo saari doono jaan-goyntooda si loo xuso shaqsiyaadka magaca iyo maamuuska taariikheed ku leh dalka.

“Qolooyinka dowladaha hoose ee magaalooyinka dhammaantood waxaan farayaa, magacyada waddooyinka iyo meelaha taariikhiga ha si qaran baa loo bixinayaa, guddi baa loo saarayaa. Maaha in kolba maayarka yar ee joogaa magacuu doono u bixiyo, waa in la qiimeeyaa dadka loo bixinayo oo si qaran loo eego waddooyinka magaalo kasta,” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo loo Ka hadlayey munaasibad uu maanta ku dhagax-dhigay Xarunta Keydka Taariikhda Qaranka oo badhtamaha Hargeysa laga dhisayo.

 

Somalilandpost.net