Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Shahaado-sharaf ku maamuusay Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL Kaalintii ay ka qaadatay Dhismaha Waddada Xaafadda DAAMI

Hargeysa (SLpost)- Madaxwene ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Waddada Xaafadda Daami ee dagmadda Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Saylici) oo hadal kooban ka jeediyay Xafladdaa dhagax-dhigga ah ee waddada Xaafadda Daami ayaa ugu horrayn faahfaahin kabixiyay faa’idada ay waddadani u leedahay Bulshada ku dhaqan Xaafadda Daami ee dagmadda G/libaax. Madaxweyne Ku-Xigeenku isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu mahad-naq u soo jeediyay Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL isagoo uga mahad-caliyay kaalinta mugga leh ee ay ka geysatay dhismaha waddada, kuna ammaanay dedaalka iyo horumarka ay ka geystaan Bulshadda Qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu Shahaado-sharaf gudoonsiiyay Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL, taasoo lagu maamuusay gacanta ay ka geysatay hirgelinta dhismaha waddada xadhigga laga jaray ee Xaafadda Daami. Shahaado-sharafta oo ay soo diyaariyeen dadka xaafadda Daami ee dagmadda G/libaax ayey ku tilmaameen ama ku sifeeyay kaalinta mugga leh ee ay ka geaysatay SOMTEL dhismaha jidkaas laamayda ah. Shirkadda SOMTEL ayaa iyadu muddooyinkii danbe aad u soo  xoojinaysay wax ka qabashada arrimaha Bulshadda, dardar-gelinta  adeegyada kala duwan ee Isgaadhsiinta.

Dhagax-dhigga dhismaha waddada waxa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayey Maayerka caasimadda Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuuud Jiciir iyo  xubno ka mida golaha Wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed  iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada beelaha la hayb-sooco Barkhad Jaamac Xirsi, madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda SOMTEL Cabdinaasir Cawad Muuse, Wasiir ku-xigeenkii hore ee Caafimaadka Somaliland Mahdi Cismaan Buuri iyo xubno kale.

Ugu  horrayn waxa dhagax-dhigga waddadan ka hadlay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada  Barkhad Jaamac Xirsi waxaanu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu xaafada Daami yimaado madaxweyne ku xigeen Somaliland ahi taasina ay ka marag kacayso sida ay xukuumadu ugu soo jeedo inay wax u qabato dadka laga tirada badan yahay ee ku nool xaafada Daami ee magaalada hargeysa waxaana hadaladiisi ka mid ahaa waxaan u mahad naqayaa dhamaan masuuliyiinta heer qaran ee ka soo qayb galay munaasibada dhagax dhiga waddada iyo Shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL oo iyadu bixisay deeqdii ugu Horeesay ee dhismaha wadadan deeqdaas oo dhamayd 50 Foosto oo daamur.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici oo waddadan si rasmi ah u dhagax dhigay ayaa sheegay  inuu ku faraxsan yahay in xaafadan uu u dhagax dhigo wadadan waxaanu yidhi in khayraadka dalka la baahiyo oo la gaadhsiiyo gobolka kasta iyo degmo kasta oo ka mida dalka, Dadka xaafadan ku dhaqana aad ayaan ugu hanbalyeynayaa abaabulkooda.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net