Madaxweyne Ku Xigeenka Kiniya oo hortagaya Maxkamada The Hauge

Kiniya(SLpost)-Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa maanta hortagaya maxkamada dambiyada ee The Hague.

William Ruto waxaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah bani’aadamka oo la galay sanadihii 207-dii iyo 2008-dii. Wararka waxa ay sheegayaan inaysan jirin makhqaatiyo diyaar u ah inay ku marag kacaan William Ruto.

Waxaa jira dad markhaatiyo ahaa oo la waayay amaba diiday inay yimaadaan maxkamada horteeda.Horay waxay maxkamadda u tuurtay dacwadii ka dhanka ahayd madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata

William Ruto waxaa loo haystaa inuu galay dambiyo dhacay xiligii doorashada kenya ee sanadkii 2007-dii

rabshadihii doorashadaasi ka dhashay waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana ku barakacay kumanaan qoys