Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Sagootin ah ku Maamuusay Xubnaha Komishankii Hore Ee Doorashooyinka Qaranka

 

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ee dhawaan xilka ku wareejiyey Komishanka cusub ee xilka la wareegay.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen dhammaanba xubnihii komishankii hore, ayaa ujeeddadiisu ahayd sagootin iyo mahadnaq loogu maamuusay shaqadii ee ay xubnahaasi qaranka usoo qabteen muddadii ay xilka hayeen oo xil-gudashadooda lagu majeertay sidii ay waajibaadkooda qaranka usoo guteen.

Madaxweynaha, ayaa xubnaha hore ee komishanka doorashooyinka uga mahadnaqay shaqadii cuslayd ee ay qarankooda usoo qabteen iyo sidii ay ugu adkaayeen garsoorka iyo dhexdhexaadnimada, waxaana uu dedaalka ay sameeyeen ku tilmaamay mid ay dadkooda iyo dalkooda gashadeen.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xubnaha Komishanka Doorashooyinka guddoonsiiyey shahaado-sharafyo mahadnaq ah oo ka markhaati ah shaqadii ay qaranka usoo qabteen mudadii ay xilkaa culus ummadda u hayeen.