Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Geerida Meles Zenawi, Booqashona ku tagay Safaaradda Itoobiya si uu tacsida uga qayb-galo

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa geerida Raysal wasaarihii Itoobiya Males Zanawi, ku tilmaamay Hoggaamiye weyn oo ka baxay dalalka Mandaqada geeska iyo Afrika guud ahaanba.

Madaxweynuhu wuxuu dhambaal Tacsi ah u diray shacbiga iyo dawladda Itoobiya, waxaanu sheegay inay Somaliland ka xun tahay geerida naxdinta leh eek u timid Raysal wasaare Males Zanawi oo saaka waabarigii ku geeriyooday cisbitaal ku yaala dalka Biljam oo uu muddo todobaadyo ah u jiifay xanuun caloosha ah.

“Waxaan dalka Itoobiya iyo wadamada geeska afrika caam ahaan uga tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Raysal wasaare Males Zanawi oo ahaa nin aad iyo aad u ah madax sare oo Geeska Afrika iyo Afrikaba door weyn ku leh xagga Nabad-gelyadda. Itoobiyana waxay ahayd xarunta Midowga Afrika oo dhan,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu intaasi ku daray “Wuxuu ahaa Hoggaamiye aad u qiimo badan oo aad iyo aad u ilaaliya nabad-gelyadda mandaqada Geeska Afrika. Geeridaasi waa mid naxdin leh, waxaanu uga tacsiyaydeynaynaa dadweynaha Geeska Afrika iyo Afrika caam ahaanba. Aad iyo aad ayaanu uga tacsiyadeynaynaa.”

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxa kale oo uu ka hadlay cilaaqaadka labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Itoobiya aad iyo aad ayay iskugu wanaagsanaayeen Somaliland illaa xiligii halganka. Itoobiya waa dalka ugu balaadhan Geeska Afrika. Somaliland iyo Dalkeeda mar walba waxay ahaayeen Itoobiya waxay ahaayeen labada dal oo mar walba wax iskaga xidhnaayeen. Mar walba wada shaqaynta Nabadgelyada, Ganacsiga iyo xagga horumarka way isku xidhnaayeen Somaliland iyo Itoobiya. Waana laba dal oo aan marnaba sina u kala maarmaynin.”

“Waanu ka xun nahay geeridda Males Zanawi, waanan ka tacsiyadeynaynaa Itoobiya, waanan balan qaadaynaa inaanu xidhiidhkii wanaagsanaa ee labada dal ka dhaxeeyay inuu sidiisii u sii socon doono,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray inay Somaliland aaska raysal wasaarihii hore ee Itoobiya kaga qeyb geli doonaan heerka ugu sareeya.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inuu saxeexayo buug tacsi ah oo ay Xukuumaddu ka furtay Hargeysa.

Males Zanawi oo ku geeriyooday Dalka Biljum isagoo 57 Jir ah, waxa uu tallada dalka hayay illaa 1991-kii. Waxaanu ahaa siyaasi miisaan ku leh gedi socodka siyaasadda ee dalalka mandaqada iyo Afrikaba.

Dhinaca kale, Warsaaxafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Daahir, ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu booqasho ku tagay safaaradda Itoobiya ee Hargeysa si uu uga soo tacsiyeeyo geerida Meles Zenawi.

“Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Dhambaal Tacsi ah oo tiiraanyo leh u dirayaa dawlada iyo shacbiga Ethiopia ee aynu walaalaha iyo Saaxiibka dhaw nahay.

Geerida ku timid Hogaamiyihii Saciibka ahaa ee Ra’iisal wasaare Melez Zinawi oo ku geeriyooday  Dalka Belgium oo uu maalmihii u danbeeyey u jiifay xanuunkan sababay dhimashadiisa.

Madaxweynuhu waxa uu Ra’iisal wasaraha geeridiisa ku tilmaamay inay tahay mid ku timid guud ahaan mandaqada geeska Afrika oo dhan, Waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu ahaa ra’iisal wasaare Zinawi ahaa nin Xil iska saara  Nabad-gelyada geeska.

Madaxweynaha oo ay damaqday geerida Kediska ah ee ku timid Dalka Ethiopia waxa uu u lugeeyey oo uu tacsi u tegay Safaarada dalkaasi ku leeyahay Hargeysa isaga oo ay ku wehelinayaan, Marwadiisa koowaad, Xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo xubno uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye.

Waxaanu sheegay madaxweynuhu in ay Somaliland miisaan Culus kaga qayb-gelayso tacsida Ra’iisal wasaaraha.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Ethiopia illaahay uga beryey in uu bedelkiisa siiyo Ra’iisal wasaarahaasi ka baxay,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net