Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Hargaysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib uu safar todobaad ku dhawaad ugu maqnaa ku Dalalka Shiinaha iyo Ethiopia.

Madaxweyne Silaanyo oo maanta duhurkii ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal international Airport ee magaalada Hargeysa,  halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweyne ku xigeenka, shirguddoonka golaha wakiilada, Guurtida, Wasiiro, xildhidhaano   Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KUlmiye iyo dad kale oo aad u tiro badan.

Madaxweynaha ayaa Markii uu Soo Cago dhigtay Garoonka Diyaaraha ee Magaaladda Hargaysa waxa uu Salaan Maamuus Madaxweyne Ka qaatay Qaarka Mid ah Cutubyo Ciidanka qaranka ah oo Ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Cigal International Airport ee Magaaladda Hargaysa.

Dhanka Kalenna Madaxweynaha somaliland ayaa Qolka Nasashadda ee Garoonka Magaaladda Hargaysa Kagaga Warbixiyay Qabyaabihi u soo Qabsoomay Safarkoodda waxaannu Madaxweynuhu Ugu Mahadceliyay Dadweynihii soo dhaweyey

Waxaanna uu Madaxweynuhu siddoo kale Ka xogwarmay Masuuliyiintii ay La Kulmeen isagoo sheegay inay Ka wadda Hadleen Arrimaha Laba Dal kuwaasi oo somaliland ay Ugu Jirto Faa,iido Madaxweynuhu Waxaanna uu Madaxweynu Sheegay inay Safarkoodu Ku Qotomay Raadinta Aqoonsiga somaliland iyo Sidoo kale Iskaashiga Dhinaca shaqaalaha iyo Amniga.

Hargeysa News Desk

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com