Madaxweynaha Somaliland oo caawa ku hoyday magaalada Ceerigaabo, Barri-na dadweynaha gobolkaas la hadli doona

Ceerigaabo, (SLpost)– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta xilli hore ka ambabaxay magaalada Burco, waxa uu socdaal xog-ogaal u noqosho ah ugu kicitimay gobolka Sanaag isaga oo ka hor intii aanu galabta gaadhin magaalada Ceerigaabo sii maray magaalooyinka Gar’adag iyo Ceel-afweyn

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo waxa meel dhowr iyo toban KM dhinaca galbeed ka xigta magaalo-madaxda Ceerigaabo ku soo dhaweeyey Badhasaabka gobolka Sanaag, Maayarka Degmada Ceerigaabo, saraakiisha ciidamada kala duwan, Madax-dhaqameedyo iyo dadweyne aad u badan oo adeegsanayey baabuurta yaryar oo faro badan iyo sidoo kale fardo.

Weftiga madaxweynaha ayaa markii ay gaadheen magaalada Ceerigaabo waxa lagu dejiyey guriga Martida ee magaaladaas. Madaxweyne Siilaanyo oo warbaahinta la hadlaya ayaa waxa uu yidhi, ““Waxannu caawa aniga iyo weftigayga oo isugu jira qaybo badan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal-baarlammmaan kuxigeenka labaad Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo Wasiirro iyo mas’uuliyiin badan oo xukuumadda ka tirsani soo gaadhney magaalada Ceerigaabo”. “Waxayna noo tahay farxad inaannu Ceerigaabo  nimaadno ilaa iyo saaka markaanu Burco kasoo baxnay ee gobolka soo galnayna si weyn ayaa naloo soo dhowaynayey markaannu Ceerigaabo nimidna carruurtii, shacabkii odayaashii waxgaradkii iyo mas’uuliyiintiiba cid aan noo imani ma jirto si weynna waan uga mahadnaqayaa soo dhowaynta wanaagsan ee waddaninnimada iyo xaraaraddu ku dheehan tahay ee naloo sameeyey wixii intaas ka danbeeyana kolley waynu ka wada hadli doonnaa shirarna waynu yeelan doonnaa”. Sidaas waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland oo isagoo ku sugan guriga martida dadweynaha halkaas kala hadlay.

Maalinta Berri ah ayaa la filayaa inuu madaxweynuhu meel fagaare ah bulshada kala hadlo si uu uga warramo wax-qabadka xukuumaddiisa iyo waxyaabihii ka fulay ballan-qaadyadii ay sameeyeen intii ay ku jireen ololaha doorashooyinka.

Dadka reer Sanaag ayaa waxa kaliya ee ay u dheg-taagayaan yahay jawaabta madaxweynuhu ka bixiyo ballan-qaadkii Xisbigiisa intii ay ololaha doorashooyinka ku jireen ee ku aaddanaa Samaynta Jid laami ah oo gobolkaask u xidha gobollada kale ee dalka.

SLpost News Desk

somalilandpost [at] yahoo.com