Madaxweynaha Jabuuti oo Abaalmarin Guddoonsiiyay Boqorka Sucuudiga

Riyad(SLpost)-Boqorka dalka Sucuudiga, boqor Salmaan Binu Cabdilcasiis, ayaa qaabilay hogaamiyaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo booqasho ku tagay waddanka Sucuudiga. Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya cilaaqaadka labada geesoodka ah ee Sucuudiga iyo Jabuuti, iyadoo sidoo kalena ay ka arrinsanayaan arrimaha ka taagan gobolada wamadaasi ku kala yaalaan.

 

 

Kulanka labada hogaamiye waxaa ka qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa dawladda Sucuudiga, halka dhanka Jabuuti ay Madaxweyne Geelle wehelinayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibada Maxamed Cali Yuusuf, waxaana madaxda labada dal dib u eegayeen xidhiidhka labada wadan oo arrimo ku saabsan xidhiidhkoodana kor loo qaaday.

 

 

Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulankaasi ku guddoonsiiyay Boqorka Sucuudiga Salaam Binu Cabdilcasiis,  abaal marinta ugu saraysa ee wadankiisu bixiyo, waxaana la sheegay inuu Boqorku ku mutaystay jaa’isaddaasi kaalinta uu kaga jiro gobolka wadankiisu ku yaalo iyo doorka uu ka qaato dalalka Muslimiinta ah iyo arrimaha Islaamka, sida ay baahisay saxaafadda Sucuudigu.

 

 

Boqorka Sucuudiga ayaa intii uu talada hayay laga dareemayay danaynta ah sidii uu saamayn ugu yeelan lahaa gobolka wadankiisu ku yaalo, sidoo kalena u noqon lahaa mid saamayn ku leh wadamada Islaamka, waxaanu hogaaminayaa isbahaysiga wadamada Khaliijka ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ka dagaalamaya.