Madaxweynaha iyo Madaxda Qaranka oo ka qayb-galay Aas loo sameeyey xildhibaan Xariir Bulaale oo Hargeya ku geeriyooday

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyeyaasha Golahayaasha Baarlamaanka Somaliland, ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Marxuum Xariir Siciid Bulaale oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada, kaas oo shalay u geeriyooday Xannuun uu u jiifay muddooyinkii u dambeeyey.

Madaxweynaha waxaa kale oo Aaska kala qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa, Xildhibaannada guurtida iyo wakiilada, Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, Madaxdhaqameed, Maamulka dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweyne tiro badan.

Madaxda Qaranka ee Madaxweynuhu ugu horeeyo ayaa Ehelkii, Asxaabtii,Goleyaasha Baarlamaanka iyo guud ahaan umadda Somaliland ee Xildhibaanku ka baxay ka tacsiyeeyay Murxuumka oo ay Eebbe uga baryeen naxariistii Janno ka waraabiyo.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN, HALKAN KA DAAWO