Madaxweynaha Iiraan oo Socdaal Maraykanka ka Xanaajiyey ku maraya Dalal Koonfurta Ameerika ku yaala

London, 07 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha Dalka Iiraan Mahmoud Ahmadinjead, oo culays badan ka haysto cuno-qabataynta dhanka dhaqaalaha ah ee reer galbeedka kaga imanaya, ayaa maalinta Berri ah socdaal todobaad qaadanaya ku maraya dalal ku yaala qaaradda Latin America.

Socdaalka Madaxweynaha waxa uu kula kulmi doonaa ninka fekerkoodu meel uga soo wada jeedo siyaasadda Marayaknka ee madaxweynaha dalka Venezuela, Hugo Chavez, ka hor inta aanu sii wadan socdaalkiisa uu ku marayo afar waddan oo qaaradda ku yaala.

Madaxweynaha Iiraan ayaa socdaalkiisa ugu horreya ku tagaya magaalada Caracas wakhti dambe ee Berri ah halkaas oo ay uga bilaabmayso socdaal shan maalmood qaadanaya oo maalinta Salaasada uu kaga qayb-galayo munaasibadda dhaarinta madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee dalka Nicaragua, Daniel Ortega.

Waxa kale uu socdaalkiisa ku marayaa Dalalka Cuba iyo Ecuador oo ka mid ah afarta dal ee uu booqanayo kuwaas oo dhammaantood aanu wanaagsanayn xidhiidhka ay la leeyihiin dalka Maraykanka, kuwaas oo hoggaamiyeyaashoodu sannadihii ugu dambeeyey booqasho ku tagayeen dalka Iiraan si ay u kobciyaan xidhiidhada dibloomaasiyadeed iyo kuwa ganacsi taas oo sababtay inuu sii xumaado xidhiidhkii ka dhaxeeyey xukuumadda Washington.

Agaasimaha Arrimaha Caalamiga ah ee Madaxweynaha Iiraan, Mohammad Reza Forqani ayaa sheegay in booqashadani oo inta badan loogu yeedho ‘Dhiig-ku-kicin Maraykan’ ay muujinayso xidhiidhka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Ismaamiga ee Iiraan la leedahay dunida dhex-dhexaadka ah.

Saraakiil ka tirsan dalka Ecuador ayaa xaqiijiyey in Ahmedinejad booqan doono dalkooda maalinta Khamiista ah taas oo noqonaysa booqashadii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo markii uu ka qayb-qaatay doorashadii madaxweyne Rafael Correa sannadkii 2007.

Ahamadinejad waxa uu hoggaamiyeyaasha dalalkan Latin America kala hadli doonaa xoojinta xidhiidhkooda iyo qaddiyadaha Caalamiga ah,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalka Iiraan IRNA.

Dalka Maraykanka ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa uu dalalka Latin America uga digay inaanay sii xoojin xidhiidhka Iiraan ka dhexeeya.

“Iyada oo Iiraan dareemayso cadaadiska ku sii kordhaya, waxay khaatiyaan ka joogaan inay yeeshaan dalal ay saaxiib yihiin waxaanay hadda baadi doonayaan asxaab cusub,” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay Wasaarada Arrimaha dibadda Maraykanka Victoria Nuland oo ka hadlaysa safarka Madaxweyne Ahmadinejad.

Safarka Madaxweynaha Iiraan ee Latin America waxa ku wehelin doona wasiirradiisa Arrimaha Dibadda, Ganacsiga iyo Macdanta iyo Tamarta.

Dibloomaasiyiin ku sugan xarunta Midowga Yurub ee Brussels ayaa sheegay in dalalka Yurub ay rejaynayaan heshiis ay ku soo xoojiyaan cuno-qabataynta Saliidda ee Iiraan ay ku hayaan dhammaadka bishan isla markaana ay baadi-doonaan dalal kale oo ay Saliidda ka qaataan.

Sannadkii hore, Saliidda Iiraan ayaa boqolkiiba 5.8 ka ahayd inta ay dibadda ka soo iibsadaan dalalka Yurub, taas oo ka dhigtay dalka Iiraan inuu noqda dalka Shanaad ee ugu badan Saliidda reer Yurub iibsadaan waxaana ka badnaa oo kaliya  dalalka Ruushka, Norway, Liibiya iyo Sucuudi Carabiya.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net