Madaxweynaha Djibouti oo ka Qayb-galay Munaasibad Ballaadhan oo loo sameey Xuska 37-guurada Maalinta Xornimada Dalkaas (VIDEO + SAWIRRO)

Djibouti (SLpost)- Magaalada Jabuuti ee Xarunta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa maanta lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo lagu xusay munaasibadda 37-guurada ka soo wareegtay markii uu dalkaasi Xornimadiisa ka qaatay Guumaystaha Ingiriiska oo ku beegnayd 27 June, 1977-kii.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Marwada Koowaad ee dalkaas Marwo Khadra Maxamuud Xayd, Madaxda kala geddisan ee dalkaas, saraakiil ka socotay ciidamada Shisheeyey ee fadhiisimada ku leh dalkaas iyo dadweyne Tiro badan, ayaa ka qayb-galay munaasibad gaardis ah oo ciidamada kala duwan ee dalkaasi ku soo bandhigeen cududdooda iyo saanaddooda Milatari.

Djibouti Independence Day 2014 (1)Dhinaca kale, Waxa magaalada Hargeysa caawa lagu qabtay munaasibad lagu xusayey maalinta xornimada Jabuuti oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliydda Jabuuti ee ku dhaqan Somaliland oo kaashanayay HCTV iyo Hotel Crown. Waxaana munaasibaddan ka soo qayb-galay madaxda Xisbiga Qaranka, Siyaasiyiin iyo Fannaaniinta reer Hargeysa qaarkood oo halkaas ka qaaday heeso ay ku soo bandhigeen Qiimaha maalintani ugu fadhido shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti.

DAAWO MUUQAALKA

DAAWO SAWIRRADA

Djibouti Independence Day 2014 (3) Djibouti Independence Day 2014 (4) Djibouti Independence Day 2014 (2) Djibouti Independence Day 2014 (5)

 

SAWIRRADA XUSKA HARGEYSA LAGU QABTAY

DSC00993 DSC00998