“Madaxwayne Ku Xigeenku, Waa Nin Kulmiye Ah Ee Adigu (Cirro) Soo Bandhig Xeerka Aad Guurtida U Gudbisay, haddii aad wax ku dartay ka noqo socon waydee”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ka difaacay hadallo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo sheegay in eedaymaha ay Mudanayaasha Muxaafidka ah ee Wakiilladu u jeediyeen Guddoomiye ahaan aanay waxb aka jirin ee laga soo abaabulo Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka.

“Madaxwayne Ku Xigeenku, Waa Nin Kulmiye Ah Ee Adigu (Cirro) Soo Bandhig Xeerka Aad Guurtida U Gudbisay, haddii aad wax ku dartay ka noqo socon waydee”Jaamac-Shabeel oo maanta Hargeysa kula hadlay Kalsan TV, ayaa sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku yahay Masuul ka tirsan Madaxda Xisbiga talada haya ee KULMIYE, isla markaana ay Xildhibaannada Xisbiga KULMIYE iyo Xubin kasta oo KULMIYE ahi tegi karto Gurigiisa, lana shiri karto fadhiisanna karaan oo aanay jirin wax u diidayaa, hase-ahaatee aan Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka wax laga soo abaabulay jirin. Taa beddelkeedana looga baahan yahay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu caddeeyo Nuqulka Xeerka uu u gudbiyey Golaha Guurtida ee keenay khilaafka u dhexeeya Xildhibananada Muxaafidka ah iyo kuwa Mucaaridka ah ee Wakiillada.

HALKAN KA DAAWO