Machadka Faafinta Diinta Islaamka oo Xarunta Agoomaha Hargeysa gaadhsiiyey 200 oo kursi

Hargeysa, 07 February, 2012 (SLpost)- Machadka Faafinta Diinta Islaamka, ayaa deeq qalab ah oo dhan laba boqol (200) oo Kursi, shalay gaadhsiiyey xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa, qalabkaas oo ay hore u ballan-qaadeen Masuuliyiinta Machadkaasi.

Munaasibad loo sameeyey wareejinta Qalabkaasi oo lagu qabtay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay, Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo isagu deeqdaas guddoomay, Guddoomiyha Machadka Faafinta  Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtoyada Aamina Maxmuud Diiriye, Agaasimaha Xafiiska Siyaasadda iyo Xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir ku Simaha xarunta Agaasimaha Agoomaha, Masuuliyiin ka socday Ururka Haweenka  ee NAW iyo marti sharaf kale oo badan.

Guddoomiyiha  Machadka Faafinta Diinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), oo ugu horay ka hadlaya halkaasi ayaa sheegay inay Kaalmadqani tahay mid ay hore u balan qaadeen oo ay Oofinayaan, isla markaana ay doonayaan inay ku caawiyaan Xarunta Agoomaha ee Hargeysa. “Alaabtan aanu u keenay Xarunta Agoomaha, waxay ahayd mid aanu hore u ballan-qaadnay maalintii aannu Dharka keennay oo uu ILLAAHAY noo soo sakhiray, waana Laba Boqol oo kursi, immikana waxaannu ku dedaali doonnaa sidii aannu Miisas-koodii u heli lahayn, waxaannu tegeynaa Xarunta nalaga Xukumo ee Nairobi ku taalla. Markaas ayaannu ku odhan doonnaa Madaxda Machadka Faafinta Islaamka, waxa loo baahan yahay Miisaskii, haddii kale waxay noqonaysaa Alaab kala dhiman.” Sida aayuu yidhi Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge).

Ku-simaha Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa   Canab Xasan Nuur oo iyaduna ka hadashay goobta ayaa sheegtay inay aad ugu mahad celinayaan Machadka Faafinta Islaamka ee Deeqda u keenay, isla markaana ay ka guddoomeen.

Agaasimaha Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo iyadina halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay si fiican ula shaqaynayaan Machadka Faafinta Islaamka, isla markaana ay aad ugu mahad celinayaan Kaalmada fiican ee ay ugu deeqeen Machadka Faafinti Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, isyada oo sheegtay inay Machadkani yihiin qaar ku dadaalaya inay wax taraan Caruurta Aagoomaha ah eek u jira Xarunta Agoomaha aadna ay ugu mahad naqayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex  Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje) oo ugu dambayntii ka hadlaya goobtaasi ayaa sheegay inay Kaalmadani tahay mid wax ku ool ah oo wax badan ka tari doonta baahida ka jirta Xarunta Agoomaha ee Hargeysa , isaga oo uga mahd celiyey si ay isugu xilqaameen inay wax taraan Caruurta Agoomaha ah eek u jira Xarunta Agoomaha Hargeysa, waxaanuu ugu dambayntii ka guddoomay 200- ee Kursi ee ay ugu deeqeen Machadka Faafinta Diinta Islaamku.

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland