Maayarka Laascaanood Oo Farriimo Kala Duwan U Diray Qurbejoogta Deegaanka Iyo Shacabka Magaaladaas

Laascaanood, (SLP)-  Maayarka degmada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac ayaa ka warbixiyay xaaladda magaaladaas, waxaanu sheegay in muddadii koobnayd ee uu xilka hayay ay wax badani u qabsoomeen.

Sidoo kale maayarka magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay qurbejoogta deegaankaas u dhalatay inay kala qayb qaataan horumarinta dhinacyada arrimaha bulshada, isagoo sidoo kale,  shacabka gudahana ka codsaday inay cashuurta si fiican u bixiyaan, si wax loogu qabto. “Magaalada nabadgelyadeedu hadda aad bay u wanaagsan tahay, inkastoo ay jiraan waxyaabo badan oo aasaasi oo ka dhiman, anigu xilka waan ku cusubahay inta aan joogayna bil way ka yar tahay, waxyaabo badan ayaanu qabanay, waddooyin go’aan oo aan furnay, inaanu sii wadnana waanu doonaynaa, waxaan leeyahay hay’addaha caalamiga ah iyo cid kasta oo danaynaysaba magaaladu waa nabadgelyo kusoo dhawaada waxaad ka qabanaysaan, ciddii maalgeshanaysa.” Ayuu yidhi maayar Cismaan Saleebaan Jaamac, isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu fariin u diray qurbejoogta u dhalatay deegaankaas, waxaanu yidhi. “Qurbe-jooga reer Laascaanood wax caawimo ah kama helno, waxaananu ka doonaynaa inay degmadooda horumariyaan sida gobollada kale oo ay caafimaadka u dhisaan oo ceelasha u qodaan oo biyo macaan u soo saaraan oo dugsiyada iyo waxbarashada wax ka qabtaan ayaan fariin ahaan ugu dirayaan, shacabka gudahana waxaan ku boorinayaa nabadgelyada way nagala shaqeeyaan, waxaananu ka codsanaynaa inay noogu daraan inay cashuurtana si fiican u bixiyaan, anaga kusoo celin doona jawaabta cashuurta ay bixiyeen.”

Somalilandpost.net