Maayarka Boorama oo ka hadlay weerar Dabley Hubaysan xalay ku qaadday Saldhigga Booliska ee magaaladaas iyo cidda lagu tumayo

“Horta Rasaas way dhacday laakiin, sida loo buun-buuninayo may ahayn, Ciidanka Booliskuna kolay wax way rideen markay maqleen Shanqadha xabbadda dhinaca kale laakiin wax weyn may ahayn ee markii Xabbadda Ciidanka ay maqleen meesha way ka yaaceen”

Boorama (SLpost)- Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa ka hadlay weerar dabley hubaysan oo haybtooda aam la aqoonsan xalay ku qaadeen Saldhigga Booliska degmada Boorama, kuwaas oo adeegysanayey hubka noocyadiisa kala duwan oo dayaankiisa si weyn looga dareemay magaaladaas.

maayarMaayarka oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Boorama, waxa uu sheegay inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas oo cidda ka dambaysay uu ku xidhiidhiyey tuhunno hore u jiray balse aanu magac-dhabin.

HALKAN KA DAAWO