Maamulka Gobolka Gabiley oo Faafaahiyey Khasaaraha Dab Xooggan oo Galaaftay Meherado iyo Guryo badan iyo Go’aan ay isla qaateen Ganacsatada Magaalada

Gabiley (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa nasiib-darro ku tilmaamay bannaan-bax maanta ka dhacay magaalada Wajaale, kaas oo ay sameeyeen dadweyne ka gadooday Dab xooggan oo khasaare badan u geystay mehero ganacsi iyo guryo dad danyar ahi leeyihiin, kaas oo shacabka magaaladaasi gacmaha ula tageen xakamayntiisa, ka dib markii la waaweyn dab-demis iyo wax lagu bakhtiiyo.

mustafe-shiineDabkan oo inta la ogyahay galaaftay inta ka badan 20 isugu jira meherado ganacsi iyo guryo, ayaa hawl-galka bakhtiintiisu socotay 9-kii Subaxnimo oo uu bilaabmay ilaa 12-kii Duhurnimo oo dadweynuhu demintiisa u adeegsanayeen Biyo iyo Ciid ay gacmaha ku gurayeen, waxaanay markii dambe ee demintiisu dhammaatay ay dareenkooda ku muujiyeen bannaan-bax salmi ah oo ay dhaliilo ugu jeediyeen Xukuumadda iyo maamulka degmada Wajaale oo ku fashilmay inay u gurmadaan magaalada gubanaysa.

Badhasaabka Gobolka Gabiley, waxa uu bannaan-baxa dadweynaha ku tilmaamay inay ka dambeeyeen shakhsiyaad aanu magac-dhabin balse uu sheegay inay dahooda gaar ahaaneed uga faa’idaysanayaan, waxa kale oo uu ku dooday in ujeeddada mudaharaadku ahaa mid qabyaaladaysan oo maayarka kursiga lagaga riixanayey.

Mr Shiina oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey khasaaraha dabkaas ka dhashay, waxa uu yidhi, “Meheradaha gubtay waxay ahaayeen cooshado yar yar oo ilaa dhawr iyo toban ah ayuu dab qabsaday, oo dhinaca bari ee magaaladda Wajaale ku yaalay, alaabtiina waa laga gurtay oo wax hanta ahi kuma guban, cid wax ku noqotayna ma jirin, magaaladu malaha dab-damis, dadka shacabka ah ayaa la tacaalay, markii dambena Gabiley ayaanu ka dirnay dab-damiskii dawladda hoose, laakiin nasiib darradu waxay tahay qaar reer Wajaale ah oo ku kacsan maayarka ayaa bannaan- bax ku abaabulay oo kala hor yimid baabuurkii dab-damiska ahaa, oo soo celiyay dab-demiskii, anaguna booliska ayaanu u dirnay si aanu u joojino dadka mudaharaadka kala hor yimid dab-damiska iyadoo uu dabkii socdo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Qofna dhibaato ma gaadhin, meheradihiina badankoodii albaabta waa laga guray, waxa gubtay maaha bakhaaro ama dhismeyaal daar ah ee waxay ahaayeen cooshado, waxaa ku jiray qaar jiingado ahi, makhaayado, meelo qaad lagu iibin jiray ayay ahaayeen, laakiin qalab ku dhex gubtay ma jirin, dadka mudaharaaday meelo way shiideen sida saldhiga booliska iyo gaadhiga dab-damiska ah laakiin cidi waxba kuma noqon, Wajaale dab-damis ma yaallo oo waa run oo dalka ayay kala mid tahay.”

Badhasaabku waxa kale oo uu sheegay inay ganacsatada Wajaale isla qaateen in ay soo iibsadaan dab-damis, waxaanu yidhi, “Ganacsatada magaaladu iyadaa sideeda ganacsato u ah waxay ahayd inay inta ay wax isku darsadaan in ay dab-damis iibsadaan, haddii aanay dalwadda hoose ku filayn inay dab-damis u iibiso, waxay ahayd in iyagii is-abaabulaan oo ay dab-damis iibsadaan.”

Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markii aan anigu magaalada soo gaadhayna ganacsatada waanu ka wada hadalnay arrintaasi gaadhi bilays iyo dab-damis inay iibsan doonaan ayaanay balan qaadeen, magaaladana lacagtii dalka oo dhan ayaa taalla haddii aanay ganacsatadii iyagu isku quudhaynin wixii dantooda ahaa inay cid canaantaan maaha, anagu intii aanu qaban karaynay waanu qabanay dabkana Illaahay baa keenay,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabiley oo u warramay warbaahinta dawladda.