Maamulka gobolka Awdal oo soo bandhigay Tirada Tahriibayaal Ciidamada ammaanku Gacanta ku dhigeen iyo Deegaanada ay ka Soo Jeedaan

Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Taliyaha Laanta socdaalka ee Gobolkaas, ayaa ka hadlay baaxadda aafada tahriibtu ku hayso dhalinyarada Dalka iyo Marinnada dalka gudihiisa ee tahriibayaashu kaga baxaan dalka, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey saamayntooda si xooggan looga dareemay gobolka Awdal.

Labadan Masuul oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka Awdal ee magaalada Boorame,  waxa kale oo ay shaaca ka qaadeen tirada dhalinyaro ka soo kala jeedda gobollada kala duwan ee Somaliland oo ay ku qab-qabteen xuduudka gobolka Awdal la wadaago is-maamulka Somalida Itoobiya oo muddooyinkan dambe marin u noqday tahriibayaasha.

Guddoomiyaha Gobalka Awdal Cabdoo Axmed Aayar waxa uu ka hadlay dhibaatada tahriibtu ku hayso iyo sida ay saamaynteedu ugu baahday dhammaan dhalinyarada gobollada kala duwan ee dalka, waxaanu yidhi,  “Tahriibayaasha waxa u badan Carruurta ka soo tahriibaysa Laascaanood, Burco, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama oo intuba waxa ay soo dhex-maraan jidka iskaga gudbaya Goraya-Cawl iyo Awbarre.”

aayar“Aafo qaran  (Tahriibta) ayay ka noqotay dalkeena waayo da’yarteenii, ayaa ku dhimanaysa Saxaraha iyo badaha. Gobolkani waxa uu ahaa waqtiyadii hore mid ka yar Gobolada dhinaca tahriibka, maxaa yeelay da’yartu waxa ay ahaayeen kuwo ku baratami jiray aqoonta laakiin da’yartii markii ay jaamacaddihii dhamaysteen ka dibna aanay shaqo galin, waxa ay keentay inay sidaas tahriibka u bilabeen,” auu yidhi Md Cabdoo Axmed Aayar.

Taliyaha Laansta socdaalka ee Gobalka Awdal Maxamed Cilmi Sal-sal oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa soo bandhigay Dhalinyarada ay gacanta ku soo dhigeen ee tahriibaysay, waxaanu yidhi,  “Waxaanu soo qabanay dhalinyaro tiradoodu gaadhayso 412 wiil, gabdhuhuna waxa gaadhayeen 35 hablood, kuwaas oo doonaayey inay Tahriibaan. Markaa waxaanu leenahay dhalinyarada waa inay dhulkooda ku samraan oo ay aaminaan.”

Waxa muddooyinkii u dambeeyey hoos u dhacay tirada dhalinyarada qarsoodiga kaga baxaysa dalka, ka dib markii xukuumadda Somaliland iyo dalalka Jaarka ee ay Marinka ka sii dhigtaan (Ethiopia) wada-shaqayn buuxda ka yeesheen xakamaynta dhalinyarada tahriibaysa, isla markaana la xoojiyey xuduudaha labada dal iyo marinnada ay ka tahriibaan dhalinyaradu.

SOMALILANDPOST.NET