Maamulka Dekedda Berbera oo iska fogeeyey Eedaymo loogu jeediyey Kicin Dadweyne iyo Musuq-maasuq Markabkii Hubka Siday lagu kacay

Maamulka Dekedda Berbera oo iska fogeeyey Eedaymo loogu jeediyey Kicin Dadweyne iyo Musuq-maasuq Markabkii Hubka Siday lagu kacayBerbera (SLpost)- Maamulka Dekedda Berbera, ayaa hadlay warar lagu baahiyey saxaafadda dalka qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay in Maareeyaha iyo ku-xigeenka dekeddu magaalada Berbera ku qabteen shir ay kaga soo horjeedaan shirkadda Ballore oo lagu wado inay maal-gelin ku samayso dekedda.

Maamulka Dekedda Berbera waxa kale oo ay beeniyeen warar lagu faafiyey warbaahinta qaarkood oo sheegayey in cid gaar ahi hub kala degtay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera oo lagu qabtay Saanad-milatari.

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Cali Xoor-xoor oo ay weheliyaan Maareeye ku-xigeenka iyo masuuliyiinta kale ee Dekedda oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland isla leedahay go’aan ka-gaadhista iyo ka-talinta horumarinta dekedda Berbera isla markaana ay diyaar u yihiin fulinta go’aamada ka soo baxa Guddi Wasiirro, maareeyaha Dekedduna ku jiro oo loo xil-saaray ka midho-dhalinta heshiiska maal-geshi ee shirkadda Ballore.

HALKAN KA DAAWO