Maamulihii Dekedda Djibouti oo Geeriyooday iyo Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Dhiggiisa Dalkaas

Marxuum Sacad Cumar Geelle

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka Faransiiska, waxa maanta ku geeriyooday Allah haw naxariistee Maamulihii Dekedaha Jabuuti Marxuum Sacad Cumar Geelle oo dhowaan halkaas loogu qaaday xaalad caafimaad.

Marxuumka oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti, ayaa ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Paris oo todobaaddadii u dambeeyey lagu baxnaaninayey xaaladdiisa caafimaad, kaddib markii halkaas loo qaaday badhtmaha Bishii hore.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadlay geerida Marxuumka, waxaanu isagoo ku hadlaya magaciisa, dowladda iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland uu dhambaal tacsi ah u diray Qoyska, Qaraabada, Ehelka, Asxaabta iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ka tacsiyeeyey Geerida ku timi Marxuum Sacad Cumar Geelle, waxaanu Madaxweynuhu si gaar ah tacsi ugu diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marxuumku walaalkii ahaa.

BIDIX: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle

Allah Haw naxariistii Marxuum Sacad Cumar Geelle, ayaa tobanaankii sanno ee u dambeeyey hayay xilka maamulka Dekedda Jabuuti, isagoo sidoo kale xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda Jabuuti ka hor intii aan booskaas loo magacaabin.

Somalilandpost.net