Maamul-goboleedka Puntland oo si cabsi ku dheehan tahay uga jawaabay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ee Jiidda Hore

Laascaanood, (SLpost)– Maamul goboleedka Puntland ayaa cambaarayn baqdini ku dheehan tahay u jeediyey booqashadii madaxweynaha Somaliland  ku tagay Magaalada Laascaanood iyo Jiidda hore ee fadhiisimada Ciidamada Qaranka, waxayna ku tilmaantay  inay ahayd mid xadgudub ku ah Puntland iyo  rabitaanka shacabka ku nool gobolka Sool Laascaanood.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu canbaareeyey Imaatinka madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo Siilaanyo ee magaalada Laascanood, waxaana lagu sheegay inay Somaliland faragelin ku hayso gobolada Sool iyo Sanaag oo Puntland sheegtay inay ka tirsan yihiin dhulkeeda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay magaalada Laascaanood iyo deegaanka Gambadha oo ay ku sugan yihiin ciidamada milatariga Somaliland.

Maamul goboleedka Puntland ayaa ugu baaqday deriska la ah Puntland inay il gaar ah ku eegaan faragelin uu ay sheegtay in Somaliland  ku hayso deegaanada Puntland, taas oo lagu tilmaamay inay tahay mid khal khal gelin karta nabada iyo xasiloonida gobolka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net