Hargaysa (SLpost)- Ciidamada Booliska, Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa amar lagu siiyey inay todobaadkan gudihiisa guud ahaan dalka oo dhan laga bilaabo olole lagu saarayo muwaadiniinta iyo Ajaanibka dalka ku sugan, sida lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Cali MAxamed Waran-cadde ayaa manta Soo Saaray Wareegto uu ku amrayo Ciidamada Boliska , Laanta Socdaalka iyo Sirdoonka Qaranka Somaliland .
War-qoraal xambaarsan wareegtada wasiirka oo maanta ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 11-ka bishan May la hirgelinayo olole dadka lagu weydiinayo Kaadhadka dhalashada, iyadoo ujeeddada tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo ammaanka dalka maadaama wakhti kooban ka hadhsan tahay xuska munaasibadda maalinta madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland isaga oo ogsoon in ilaalinta nabadgalyadu ay tahay ahmiyada Koowaad ee qaranka waxaa lagama maarmaan ah in aynu adkayno la socodka dhaqdhaqaaqa Dadka Muwaadiniinta ah iyo kuwa Ajaanibka ah.
Sidaas awgeed waxaa la bilaabayaa olole lagu baadhayo dadka laguna kala saarayo Qofka muwaadinka ah ee sita Kaadhka aqoonsiga Dhalashada ama Kaadhka Degenaanshaha ajaanibka. Waxaanay ciidamada amnigu billaabi doonaan Baadhis Iyo In Dadka La Joojiyo iyadoo baabuurtana lagu joojin doonaa waddooyinka.
Waxaana Dadkaa la weydiin doonaa
1- Kaadhka Aqoonsiga Muwaadinka
2- Kaadhka Degenaanshaha Ajaanibka
Hadaba waxaa la idin farayaa in aad u diyaar garawdaan habeenka arbacadu soo galayso ee bishu tahay 11/05/2016 iyada oo ay hawshan ka qayb gali doonaan Ciidamada Boliska, Waaxda socdaalka iyo Sirdoonka qaranka JSL.” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaaradda Daakhiliga.