Kuuriyada Koonfureed Oo Si Caragsi Ah U Tijaabisay Gantaalo Ridada Dheer Ah

Hargyesa(Slpost)-Kuuriyada Waqooyi ayaa labo gantaal oo ah kuwa riddada dheer ee ballastikadda ah ku riday badda, dhowr maalmood uun kaddib markii hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong un, uu amar ku bixiyay in la tijaabiyo gantaalo badan oo qaadi karo gumacyo nukliyeer ah.
Dowladda Mareykanka, ayaa ku jawaabtay baaq ay u jeedisay xukuumadda Kuuriyda Waqooyi in ay ka baaqsato in xiisad ay ka kiciso gobolka,oo markii horaba xiisad ay ka taagneyd, tan iyo markii waqooyiga Kuuriya ay markii afaraad tijaabisay nuliyer bishii Janaayo.
Dhinaca kale dowladda Koonfur Kuuriya, ayaa gantaalahani ku tilmaantay mid caqabad ku ah nabadda iyo deganaanta.
La wadaag qodobkan Faahfaahin