KULMIYE oo WADDANI ku eedeeyey Dacaayad iyo Quudhsi ka dhan ah Shuruucda dalka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka hoggaamiya ee Kulmiye, ayaa jawaab ka bixiyey dhawaaq xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kaga dar-daarwariyey natiijada doorashada madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka dambe.

Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo dorraad warbaahinta la hadlay, ayaa ku baaqay dejinta shuruuc adag oo lagu saleeyo nidaamka doorashooyinka dalka iyo sidii loo suurta-galin lahaa doorasho natiijadeedu qanciso cid kasta oo ay khusayso, iyagoo ku dooday inaanay shuruucda dalku ku filnayn buuxinta waajibaadkaas.

dsc_6174Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin oo maanta ka hadlayey munaasibad xisbigiisu ku qaabilay taageerayaal la midoobay, waxa uu xisbiga WADDANI ku eedeeyey inuu ku kacay dacaayad ka dhan ah shuruucda dalka u dejisan, isla markaana ay ka sii dar-daar warinayaan natiijada doorashada aan wali la gaadhin isla markaana u badheedheen inaanay aqbali doonin natiijada doorashada.

“Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku dilaynaa, KULMIYE 84-cod baa lagaga helay oo uu aqbalay, waa xisbiga keliya Afrika jooga ee aqbalay in doorashadii madaxweynaha 84-cod lagaga helay, adduunyadana meel ay ka dhacdaa ma jirto, Guddoomiyaha xisbiga UCID wuu aqbalay natiijadii in doorashadii laga helay, xisbigii UDUB madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh buu u aqbalay in doorashadii 2010-kii laga helay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey inaannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo, xalay (Sabtidu soo galaysay) bay ka hadlayeen oo lahaayeen sharci halla sameeyo, laakiin sharci weynu leenahay oo  xeer-qaran baynu leenahay oo distoorkeenaa qoraya oo Baarlamaanka dalkaa sameeyey qaabka xisbiyadu u gelayaan doorashada, qaabka doorashada loo kala helayana hay’ad qaran oo la yidhaahdo Komishanka doorashooyinka ayaa inoo samaysan oo Maxkamad Distoori ah oo natiijada doorashada marka ugu dambaysa soo saarta,ayaa inoo samaysan, xisbiga KULMIYE –na sida uu markii horeba u caddeeyey waxa uu imikana  caddaynayaa inuu natiijada komishanka iyo maxkamadda sareba aqbalayo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.