Kulan lagu Naaqishayo Xeerka Anshaxa Doorashada oo Maanta Hargeysa ka Furmay

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu faaqidayo xeerka Anshaxa saxaafadda ee doorka tebinta doorashada Goleyaasha deegaanka, ayaa maanta Magaalada Hargeysa uga furmay suxufiyiin ka socotay hay’adaha kala duwan ee warbaahinta dalka .

Kulankan oo muddo laba maalmood ah ka socon doona hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb-galay Afhayeenka Guddida doorashooyinka, guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta ururrada, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta, Agaasimaha Telefishanka Qaranka, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Solja iyo Suxuufiyiin ka socotay hay’adaha Warbaahinta dalka.

Ug furay isla markaana ugu horreynka hadlay Afhayeenka Guddida doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa ugu horreyn warbaahinta uga mahad-celiyey qaabka ay ula soo shaqeeyeen muddadii Guddidoodu xilka haysay.

Afhayeenku waxa uu taabtay waajibka saxafiga ka saaran ee laga rabaa uu yahay inuu war sax ah oo dhaba bulshada u gudbiyo oo uu kala sooco oo uu kala saaro warka dhabta ah iyo wixii faalo ah ee isagu uu qorayo si bulshadu war saxa u helaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Md Cabdirashiid Jibriil waxaanuu ka waramay ujeedada kulankan loo qabtay, waxaanuu xusay in dulucda kulankani uu yahay sidii ay saxaafaddu dhex ugu noqon lahayd Ururada iyo Axsaabta ku tartamaya doorashada degaanka ee dalka ka qabsoomi doonta.

Waxaanuu Agaasimaha guud intaa raaciyey, in xeerka anshaxana uu dhigayo sidee baynu u dhaqmaynaa intay doorashadu socoto iyo marka ay natiijadu soo baxadaba.waxa kale oo agaasimaha Guud uu sheegay in doorashadani aanay ahayn tii inoogu horaysay ee doorashooyin horeba aynu soo galay, tanina ay la mid tahay kuwii hore oo aanay inagu cusbayn.waxaanuu Saxafiyiinta kula dardaar-may in laga feejignaado wixii aynu u aragno in amniga iyo anshaxaba ay wax yeelo ku keenayso. Bulshada iyo ururadana ay u noqdaan gar-soorayal dhex u ah.

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Xirsi Geelle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horayn halkaa uga mahad naqay saxafadda sida ula soo shaqeeyeen mudadii ay dhisnaayeen komishan ahaan.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Guddomiyaha Guddiga diiwaangelinta ururrada Cabdirisaaq Ciyaale iyo Sarkaal ka socday Akademiyadda Nabadda iyo Horumarinta oo kulan soo qaban-qaabisay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net