Kooxda Xiddigaha Geeska oo Raalli-gelin ka Bixiyey Xog-waraysi iyo Bandhig-faneed ay siiyeen Telefishannada SNTV iyo Universal TV

Hargeysa (SLpost)- Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo xaruntoodu tahay magaalada Hargeysa, ayaa Shacabka iyo Xukumadda Raalli-gelin ka siiyey Xog-waraysi bandhig-faneed ku lammaan yahay oo laga baahiyey Telefishanka dawladda Somalia iyo Telefishanka gaarka loo leeyahay ee UniversalSomali Tv oo labadooda laga baahiyo barnaamijyo iyo warar  si qaawan loogu weeraro Somaliland.

Maamulka Kooxda Xiddigaha Geeska oo Raalli-gelin ka Bixiyey Xog-waraysi iyo Bandhig-faneed ay siiyeen Telefishannada SNTV iyo Universal TVFannaan ka tirsan Xiddigaha Geeska, ayaa wariyeyaal ka tirsan labadaas Telefishan magaalada Hargeysa gudaheeda kaga duubeen Barnaamijkan oo ah ban-dhigfaneed loogu talo-galay Farxadda Ciidda, arrintaas oo sababtay in Kooxdan oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsan laga joojiyo Barnaamijkii Ciidda ee ay ka sii dayn jireen Telefishanka Qaranka Somaliland.

Kooxda Xiddigaha Geeska oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa ay raalli-gelintooda ku saleeyeen ka dib markii sida ay sheegeen wejiyo kala geddisan loo fasirtay Xog-warranka iyo bandhig-faneedka ay siiyeen telefishannada SNTV iyo Universal TV.

HALKAN KA DAAWO.

Bandhig-faneedka SNTV iyo UNiversal ee Xiddigaha Geeska