Kooxda Kurdiyiinta Oo Sheegtay Qaraxii Turkiga Ka Dhacay iyo Amaanka Dalkaas Oo Sii Xumaanaya

Turkay(Slpost)-Kooxda maleeshiyada Kurdiyiinta ee lala xiriirinayo xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee laga mamnuucay Turkiga, ayaa sheegatay in ay ka dambaysay weerarkii bomb ee caasimadda Ankara ka dhacay maalintii Axadda.
Waxaa weerarkaas ku dhintay sodon iyo todoba qof.

Qoraal ay soo saartay kooxda TAK ayaa lagu sheegay in kooxdu ay ka dambeeyso weerarkii bambaano, oo jawaab u ahaa weerarada ay xukuumadda ku hayso dhulka Kurdiyiinta ee koonfurta bari ee Turkiga.
Dhinaca kale, Jarmalka ayaa sheegay in uu xiray safaaraddii uu ku lahaa magaalada Ankara sababo la xiriira in ay suurtagal tahay in la weeraro.
Waxaa kaloo la xiray iskuul Jarmal ah iyo qunsuliyaddii ku taallay magaalada Istanbul ayaa la xiray.