Khubaro Baadhitaan ku waday Xabaalo-wadareedyo laga helay Hargeysa oo natiijo ka soo saaray

Hargeysa (SLpost)- Khubaradii caalamiga ahayd ee baadhaysay Xasuuqii ka dhacay Somaliland Xiliyadii taliskii Siyaad Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii ka soo baxday Xabaal-wadareedkii ugu horeeyay ee ay baadhista ka bilaabeen oo ku taala xaafada Badhka ee Degmada Axmed Dhagax ee caasimada Hargaysa, halkaas oo ay ka soo saareen  lafaha Siddeed iyo Soddon ruux oo goobtaas ku wada xabaalan.

Guddoomiyaha Gudida Daba-galka Xasuuqa Xildhibaan Khadar Axmed Muxumed ayaa sheegay in Gudidooda oo kaashanaysa Khubaradan Caalamiga ah oo lagu magacaabo EPAG,ay ku guulaysteen inay natiijo ka soo saaraan Xabaal wadareed ay ku wada Jiraan 38 Ruux,kuwaas oo uu xusay inay baadhistooda bilaabeen 26kii bishii aynu ka soo gudubnay ee September,waxa uu Gudoomiyuhu iftiimiyay inay natiijada baadhistan oo ay mariyeen Shaybaadh Casri ah oo loogu talo galay in lagu eego wixii Xasuuq ah ee dhacay uu soo saaray Sideed iyo Sodonkaa ruux dharkii ay Xidhnaayeen,inta Xabadood ee ku dhacday,lab iyo dhedig ka uu yahay iyo arrimo kale, waxaa kale oo uu intaas ku daray in ay u samayn doonaan Maytidan sidii dib loogu xabaali lahaa.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay hogaamiye ku xigeenka Kooxdan baadhista Xasuuqa oo lagu magacaabo Faranko isla markaana cadeeyay in natiijadaan ay tahay mid ay si cilmi ah u ogaadeen waxaanu intaas raaciyay inuu u mahadcelinayo Gudida daba galka Xasuuqa oo shaqo adag haysa iyo Qaar ka mid ah Ardayda Jaamacada Hargaysa oo uu sheegay inay kooxdooda la shaqaynayeen.

SOMALILANDPOST.NET