Kenya: Koronto la’aan Baahsan oo soo Wejahday Dalka Ugu Dhaqaalaha Badan Bariga Afrika iyo Sababta Keentay

Kenya PowerNairobi (SLpost)- Koronto la’aan ayaa maanta soo waajahday qaybo badan oo ka mid ah dalka ah Kenya oo lagu tilmaamo dalka ugu dhaqaalaha Badan Bariga Afrika.

Shirkadda Quwadda Korontada ee Kiiniya oo 1,250 MW oo Kortonto ah siisa laba Milyan oo Macmiisheeda ah, kuwaas oo marka hore dalbanayey inay kordhisay awoodda korontada ee ay siiso isla markaana ay ka dhigto 1,700 Mega Wats, waxaana inta badan quwadda korontada laga dhaliyaa Tamarta biyaha ee Harooyinka ku yaala dalkaas oo ay gacanta ku hayso shirkadda KenGen.

Koronto la’aanta soo wejahday dalka Kiiniya, waxa ay shirkaddu ku sababay cillad farsamo oo gaadhay laba ka mid ah Waayiradda korontada Gudbiya oo 400 megawatts oo dab ah ka qaaday xarunta lagu dhaliyo Korontada ee gobolka Rift Valley.

Arrintan, ayaa la sheegay inay saamayn weyn ku yeelatay isku-xidhnaanta Xarumaha Dab-dhaliyeyaasha ah ee dalka oo dhan oo Korontada ka hela Xarumo dab-dhaliyeyaal ah oo laga hirgeliyey dhulka Harooyinka u badan ee Kiiniya, taas oo sabab u noqotay inay kala go’aan isku-xidhnaanta ilaha laga dhaliyo korontada ee dalkaas.

Kiiniya oo ay ku noolyihiin Afartan Milyan oo Qof, ayaa korontada goobaha ganacsiga loo isticmaalaa mishiinnada yar-yar ee Shidaalka ku shaqeeya, si ay u daboolaan baahida farqiga u dhexeeya korontada ay u baahan yihiin  oo ah shayga ugu muhiimsan koboca dhaqaalaha.

Koboca dhaqaalaha dalka Kenya ee sannadkan, ayaa la saaliyey inuu kor u kici doono boqolkiiba 6 marka loo eego boqolkiiba 4.6 ee sannadkii hore, halka sannadkii 211 uu kor u kacay boqolkiiba 4.4, taas oo tilmaamaysa sida xawliga ah ee dhaqaalaha Kiiniya u kobcayo.

 “Waxaanu ku hawlan nahay sida suurto-galka ah ee aanu si dhakhso leh u soo celin lahayn korontada, una baadhi lahayn sababta keentay ciladda ku timi labada qaybood,” sidaas waxa sheegay afhayeen u hadlay shirkadda Korontada Kiiniya.

Waddanka Kiiniya Boqolkiiba Lixdan korontada laga isticmaalo waxa laga dhaliyaa Awoodda Biyaha, boqolkiiba Soddon biyaha Dhulka Hoostiisa laga soo saaro halka boqolkiiba 25 laga dhaliyo Mishiinnada.

SOMALILANDPOST.NET