“Jiilaalku waa wakhtiga ugu adag dadka gobalka Togdheerna xoolo dhaqato ayay u badan yihiin”Cirro

Hargyesa(SLpost)-Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku tilmaamay wakhtiga diiwaangalintu ka qabsoomayso Todheer mid adag oo komishanku ay ka weecin karayeen, se ay si toos ah ugu beegeen.

Waxa uu Cirro dadka gobalka u soo jeediyay inay is diiwaangaliyaan si kasta oo xaalku ugu adag yahay, waxaana hadalkiisa ka mid ah “Gobalka Togdheer waxaan qabaa in wakhtiga ay doorashadu ku beegantahay wakhti ka fiican lagu beegi kari lahaa taasna waxa sababay diiwaangalinta oo dhawr jeer dib u dhacday, cabashadoodu sida aan qabo waa dhab wakhtiguna waa uu adag yahay dadkuna waa reer guuraa, abaartu waa wakhtiga ugu adag dadka gobalka Togdheerna xoolo dhaqato ayay u badan yihiin, waxaanu ugu baaqayna xaaladu siday doono ha u adkaatee inay is diiwaangaliyaan”