Iran oo Maraakiib Dagaal u soo dirtay Xeebaha Yemen iyo Xuutiyiinta oo horumar ka sameeyey Dagaalada Cadan

Yemen (SLpost)- Dowladda Iiraan, ayaa laba ka mid ah maraakiibteeda dagaalka u soo dirtay xeebaha dalka Yemen, iyadoo aan la aqoon ujeeddada dhabta ah ee maraakiibta Iiraan u yimaaddeen xeebaha dalkaas oo xulafada Isbahaysiga Sucuudigu Cuna-qabatayn saartay.

Maraakiibta ayaa lagu arkay Xeebaha Gacanka Cadmeed oo ay ku sugan yihiin maraakiib kale oo ay leeyihiin Xulafada Sucuudiga iyo kuwa Reer Galbeedka, waxaana walwal laga muujiyey in joogitaanka maraakiibta Iiraan uga sii daraan xaaladda cakiran ee dalka Yemen.

ssWarbaahinta dalka Iiran, ayaa tebisay in maraakiibtaasi Xeebaha Yemen loogu diray sidii ay uga hortagi lahaayen weerarrada maraakiibta ganacsi ee Iran kaga yimaadda kooxaha budhcad-baddeedda Somalida oo bishii hore gacanta ku dhigay laba markab oo dalka Iran laga leeyahay.

Haseyeeshee, warbaahinta waddamada Carabta, ayaa ujeeddada Maraakiibta Iiraan u yimaaddeen gacanka Cadmeed ku sheegay inay sii huriyaan xaaladda dalka Yemen.

Dalka Iran ayaa bishii March ee la soo dhaafay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo duqeymaha xulafada Sacuudigu hormuudka ka yahay ku garaacayaan goobaha ay dalka Yemen kaga sugan yihiin maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo ciidamada taabacsan madaxweynihii hore Cali Cabdalle Saalax oo ka garab-dagaalamaya.

Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayaa horumar ka sameeyey dagaallo culus oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalo-xeebeedda Cadan ee Koonfurta dalka Yemen, kaas oo u dhexeeya Ciidamo iyo malleeshiyo-beeleedyo taabacsan dowladda waddankaas.

Xuuthiyiinta Yemen, ayaa u muuqda kuwo ay ka go’an tahay inay si buuxdo ula wareegan gacan ku haynta Magaalada Cadan, iyadoo dhowr goor laga riixay, dibna ay ugu soo rogaal-celiyen.

Xuuthiyiinta ayaa dab qabadsiiyey tiro guryo ah, kaddib markii ay shalay dagaal qadhaadh kula wareegen Badhtamaha Magaalada Cadan, waxaanu dagaalku ku fiday darafyada kale ee magaalada oo ay ka dagaalamayan maleeshiyada Dowladda taageersan.

Duhurnimadii shalay, ayay diyaaradaha isbaheysiga Sucuudigu duqeymo culus ku garaacen fadhiisimo ay duleedyada Cadan ka sameysteen Xuuthiyiinta.

Duqeymaha dalalka isbaheysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ay ka wadaan dalka Yemen, ayaa galay maalintiisii 15-aad, iyadoo Xuuthiyiintu ay duqeymo culus ku soconayan, balse waxa muuqata inay maalinba maalinta ka sii dambaysa qabsanayaan dhul cusub.

Dagaallada ka socda magaalada Cadan, ayaa galaaftay nolosha dad tiradoodu ka badan 200 halka tiro ka badan 3000 qof dhaawacyo ka soo gaadheen.

Somalilandpost.net