“Imika in ay Cid Kale oo aan Turkiga Ahayni na Dhexdhexaadiso Ayaannu Doonaynaa” Dr. Sacad Cali Shire

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka arimaha dibada Somaliland Md Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,iyadoo dalbatay in cid kale oo dhexdhexaadisaa soo dhexgasho.

Wasiirka arimaha dibada ayaa sheegay in Somaliland iyo Somaliya kala maqan yihiin muddo 25 sanno ah,isla markaana mid waliba qaab dhismeed u gaar ah leedahay.

“Wada hadalada waanu soo dhawaynayaa,Somaliland iyo Somaliya waa laba wadan oo 55 sanno ka hor middoobay,25 sanno na kala maqnaa,Somaliland waxay go’aansatay iyadoo dhibaato badan ka soo gaadhay inay dib ula soo noqoto madaxbanaanideedii”ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire oo u waramay idaacadda BBC.

Wasiirka ayaa sheegay in ay doonayaan cid kale oo dhexdhexaadisa oo ka madax banaan dawlada Turkiga

“Waa Laba wadan oo jaar ah oo ay ka dhexeeyaan arimo badan oo ay ka wada hadlaan, Turkiguna ciddii gogosha dhigtay ayay ahayd, imika dhexdhexaadin ayaanu doonaynaa,inay cid kale ka soo qayb gasho dhexdhexaadintaasi waanu soo dhawyanayaa”Dr Sacad Cali Shire.

“Somaliland iyo Somaliya waa laba wadan oo kala jaad ah,mid waliba qaab dhismeed iyo dawladeeda,Somaliland kama mid ah dawlada Fadaralka”Dr Sacad Cali Shire.

Wasiirka oo la waydiiyay in dad badan oo reer Somaliland ahi ka qayb galeen shirka hiigsiga 2016-ka Somaliya u socda ayaa sheegay in ay u shaqo tageen isla markaana ay la mid yihiin boqolaal dad ee ka shaqaysta dalalka caalamka.

“dadka Somaliland way faro badan yihiin ,qaar xilal ka haya Ethiopia,Kenya,Djibouti markaa dadkani kuwaasi ayay ka mid yihiin”Dr Sacad.

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa muddo soo jiitamayay iyadoo dhinac waliba dalbanayo in wada hadalka hore loo bilaabo.

Somalilandpost.net

Hargeysa