Hoggaamiyaha Al -Qaacida ka Hadlay Xoraynta MASAR iyo SHAAM Qirayna Khilaaf Dhexdooda Ka Jira.

 

 

Hargaysa(SLpost)-Hoggaamiyaha Al Qaacida Ayman Al Dawaahiri ayaa soo diray canjalad maqal ah oo ka kooban shan iyo toban daqiiqo oo uu kaga hadlayo waxa ka dhacaya caalamu islaam,isagoo si xoogan uga hadlay khilaafka hoose ee ka dhex jira kooxdiisa.

Waxa uu ka hadlay dalalka reer galbeedka, waxaanu kooxdiisa u soo jeediyay inay weeraraan , isagoo sheegay in loo baahan yahay in  laga fuliyo dalalka reer galbeedka weeraro ay qoomameeyaan sida kuwii  11 September.

“Dharbaaxo ku dhacda Galbeedka, siiba Maraykanka, halkooda ugu tagta. Iyo weeraridda danahooda ku kala firidhsan meel kasta. Taageerayaasha Israa’iil waa in ka qoomamayeen gefafka Israa’iil ka gashay Islaamka iyo Muslimiinta. Waa in aynu sii wadnaa falalkii ay dhagax-dhigeen mujaahidiintii duullaannadii 11-ka September ee barakaysnayd, iyo weerarradii Madrid, Baali, Landhan iyo Paris” ayuu yidhi hoggaamiyaha al qaacida.

Waxaanu intaasi ku daray in loo baahan yahay  dawlad islaami ah oo laga dhiso Masar iyo shaam “Ka yagleelidda dawlad Muslim ah Masar iyo Shaam, si ummadda loogu duwo xoraynta Falastiin. Si taas loo helana waxa lagama maarmaan ah midnimo, khilaafka oo la afjaro iyo joojinta dirirta mujaahidiinta dhexdooda ka aloosan.”ayuu yidhi.

Waxa Waxa uu ka marag kacay in khilaaf hoose ka dhex aloosan yahay kooxaha ku abtirsada ururkiisa, waxa uuna dhawr jeer ugu baaqay midnimo,waxaanu sidoo kale sheegay In xukuumado uu ku tilmaamay ‘muslimiin’ laga ag dhiso dawladda Israa’iil, si buu yidhi looga aar goosto yuhuudda iyo xulafoodadu waa daruuri