Hogaamiyaha Falastiin Oo Khudbad Taariikhi Ah Ka Hor Jeedinaya Golaha Xuquuqal Iisaanka Qaramada Midoobay

 

Brussels(SLpost)-Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabaas, ayaa waxa uu khudbad ka jeedin doonaa kulanka gaarka ah ee golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay uu maanta ku yeelanayo magaalada Geneva.

 

Waa markii ugu horreysay oo hogaamiye Falastiini ah uu ka hadlo golahaas. Falastiiniyiinta ayaa saddex sanno ka hor loo ogolaaday in ay golahaasi korjooge ka noqdaan iyagoon xubin ka ahayn, tan iyo waqtigaasna waxa ay isku dayayeen in ay xidhiidh dhaw la yeeshaan guddiga Qaramada Midoobay.

 

Hasayeeshee kulanka maanta ayaa qabsoomaya iyadoo ay sare u kacday xiisadaha ka dhex aloosan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta, waxaana si dhaw loola socon doonaa khudbadda madaxweyne Cabbaas.

Qaramada Midoobay ayaa kulanka maanta ku tilmaantay mid xushmad ah, oo ma ay jiri doonto wax dood ah iyo go’aanno ka soo bixi doona halkaasi.Maxamuud Cabbaas iyo gudoomiyaha golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Zayd bin Racad al-Xuseen oo kaliya ayaana kulankaasi ka hadli doona. Hasayeeshee Mudane Cabbaas ayaa sheegaya in ahmiyad u leedahay iyaga.

 

Rabshadaha ka dhex aloosan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxa ay galaafteen nolosha tobaneeyo qof, welina xiisaduhu waa ay sareeyaan.

 

Diblumaasiyiinta Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Geneva waxa ay si taxadar leh u dhageysan doonaan jawaabta uu Cabbaas ka bixiyo baaqii Ban Ki Moon ee ahaa in hogaamiyaha Falastiiniyiinta uu wadahadal toos ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

 

Balse Cabbaas oo ku sugnaa Isniintii magaalada Brussels ayaa ku eedeeyay Israa’iil in ay ka dambeyso rabshadaha, waxa uuna ka digay in xaaladdu ay ka sii dari karto.

Magaalada Gevena ayaa la filayaa in uu diiradda saari doono xaaladda dadka Falastiiniyiinta, waxaana laga yaabaa in uu ku baaqo in la dhowro xuquuqdooda bini’aadamnimo.