Hay’adda Dhawrista Tayada Agabka oo Digniin u Jeedisay Ganacsatada Dalka

CALI BIIKALOHargeysa (SLpost)- Hay’adda Dhawrista Tayada Agabka Somaliland, ayaa sheegtay in alaabooyin macmal ah oo loo ekaysiieyay alaabo hore loo isticmaali jiray dalka soo galeen, waxaanay tilmaantay in sharciga la horgeyn doono ganacsatada lagu qabto.

Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Agabka Md. Cali Maxamed Cabdalla (Bikalo) oo magaalada Hargeysa maanta ugu waramay warbaahinta waxa uu tilmaamay in baadhitaanno iyo dabagal ay sameeyeen ku ogaadeen in alaabo macmal ah dalka la soo geliyey, cidii lagu qabtana ciqaab ay mutaysan doonto.

“Waxaan daba gal ku haynaa oo u kuur gal  aannu samaynay ku ogaanay inay jiraan alaabooyin macmal ah oo loo soo eekaysiiyo kuwo hore dalka looga isticmaal jiray oo dadka qaar si dalka u soo galiyaan, mararka qaarna lagu qabto. aad iyo aad ayaannu runtii arrinkaas hawlgal ugaga jirnaa, waxaanannu jecel nahay inaannu soo qabanno dadka waxyaabaha noocaas ah o okale ah gacanta kula jira,” ayuu yidhi Md. Cali Biikalo.

Guddoomiyaha Hay’adda ilaalinta Tayada Agabka Mr Biikalo waxa uu digniin u diray ganacsatada qarsata alaabaha dhaca, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaan aad iyo aad ugu adkaynaya dadka ganacsatada ah ee wax keena, ugana digaynaa inay wixii alaabo dhacay ama xun ee yaala goobahooda ganacsi ay iska diyaariyaan, ciddii lagu qabto wax dhacay oo ay meel ku qarinaysay waxay mutaysanaysaa ciqaad, dadka iyagu waxaas sameeya, waxyaabaha macmalka ahna qarsada ee gacantiisa loogu yimaado wuxuu ka dhigan yahay qof musuqmaasuq  iyo foojari ku sameeyey waddanka, waxaanannu marin doona dacwadiisa Xeer-ilaalinta si maxkamad loo horgeeyo,” ayuu yidhi Mr Biikalo.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa