Hargeysa: Weerarkii Faysal, Weedh-Celintii Saylici iyo Walaacii Cirro

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa madal lagu dhan yahay oo bulshada qaybaheeda kala duwan goob-joog ka ahayd isku weydaarsaday weedho siyaasadeed oo la xidhiidha Doorashooyinka khilaafkooda dhawaan la soo afjaray.

Hadalka labada masuul is-weydaarsadeen oo ay ka jeediyeen munaasibad xalay lagu daah-furay buug uu qoray Wariye Axmed Siciid Cige, ayaa ku soo beegmay Maalin uun kaddib markii ay guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynuhu si wada-jir ah u soo saareen heshiis si rasmi ah loogu soo af-jaray khilaafkii ka taagnaa doorashooyinku, waxaanu Eng Faysal Cali Waraabe hadalkiisa ku weeraray nidaamka maamul ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi iyo Heshiiskii laga gaadhay khilaafka doorashooyinka.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo madasha ka sheegay inay Xukuumaddu joojisay kharashkii ay xisbiyada mucaaradku ku lahaayeen Miisaaniyadda Qaranka.

Haseyeeshee, madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo hadalka ka daba-qaatay, ayaa ka jawaabay dalka Eng Faysal Cali Waraabe, isagoo mucaaradka ugu baaqay inaanay hadhow wax cabasho ah la imanin haddii ay ka fogaan waayaan carqaladaynta heshiiskaas.

Haddaba Muuqaalka Hoose ka Daawo Weedhihii ay Is-dhaafsadeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

https://youtu.be/ceS1954vZTM

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net