Hargeysa: Kiis muddo Nus Qarni ah Ku jiray Maxkamadaha Dalka Oo Qaab Sulux ah lagu soo Af-jaray

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa maanta soo gunaanadday Kiiska gal-dacwadeed Maxkamadaha Dalka ku jiray muddo Nus Qarni ku siman.

Dacwadda Kiiskan muddada 50 sanno lagu qiyaasay soo taxnaa ayaa u dhexeeyey laba dhinac oo isku haystay Dhisme ku yaalla Ka soo horjeedka masjid Jaamaca magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo ay weheliyaan dhinacyada dacwaddu ka dhaxaysay oo shir jaraa’d ku qabtay xafiiskiisa, ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo af-jaridda dacwaddan Oo uu sheegay in qaab Sulux ah lagu dhammeeyey.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo muuqaalka Hoose.