HARGEYSA: Khasaare ka dhacay Iska-hor imaaad Rabshado Wata oo Dhexmaray Ciidamo Boolis ah iyo Shacab Gadoodsan

Hargeysa (SLpost)-Rabshado ayaa ka dhashay Hawl-gal Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa ka fulisay Suuqa Ganacsi ee Jaamac-Gunti oo ku yaala degmada Ibraahim Kood-buur ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

SUUQAAfar qof ayaa ku dhaawacmay rabshadahan oo uu sababay iska hor-imaad dhex maray Bilayska Dawladda Hoose iyo Dadweyne cadhaysan.

Bilayska ayaa isku dayay inay xoog ku raraan dad suuqaasi ku ganacsanayay, kuwaasoo diidmo kala hor yimi qorshaha Dawladda hoose.

Jaamac Gunti
SUUQA JAAMAC-GUNTI

Isku-dhaca Dadweynahan iyo Ciidanka booliska ayaa yimi ka dib markii ay ciidamada booliska Dawladda Hoose isku dayeen inay goobtaas ka raraan dadweyne hore loogu raray sariibad laga hirgeliyey Meel ku dhow Suuqa Jaamac-gunti oo uu leeyahay nin ganacsade, kaasoo dawladda hoose doonayso inay ku wareejiso Sariibadii hore ee Suuqaasi.

Ganacsatada bacad-yaalka ah ee Suuqa laga raray, ayaa ka biyo-diiday Lacag Xad-dhaaf ah oo ninkaas ganacsada ahi ku kireynayo Makhsinnada ay sariibaddaasi ka kooban tahay iyo xataa bannaanka ku horyaala sariibaddaas.

Hooyo ka mid ah danyarta bacad-yaalka ku ah suuqa Jaamac-gunti oo Somalilandpost.net u sheegay in ay Dawladda Hoose ku khaldan tahay inay ganacsatada u rarto meel uu leeyahay qof shacab ah oo faa’ido ka doonaya, isla markaana uu lacag xad-dhaaf ah kaga kireeyey wejahadda hore ee sariibaddaas meel bannaan ah.

jaamac-gunti
Khudrad la daadiyey

“Markii hore ee aanu halkan (Jaamac-Gunti) ku ganacsanaynay, wax lacag ah maanaan bixineyn, immikana meeshii bannaanayd ee sarriibadda horteeda ku taalay, ayaa kiro bixiya la yidhi. Waxay ahayd inay dawladdu noo rarto meel ay iyadu diyaarisay, laakiin may ahayn meel nin ganacsade ahi leeyahay oo uu kiraynayo inay noo rarto,” sidaas waxa tidhi hooyo Xaali Muuse oo ka mid ah jeeblayaasha bacad-wadatada ah ee ku ganacsada suuqa rabashadu ka dhacday maanta.

Dawlada hoose ee Caasimadda, ayaa hawl-galka ay saaka ku qaaday Suuqa Jaamac Gunti u adeegsatay Cagaf-cagaf iyo gaadiidka kale oo bannaynayey suuqaas oo cidhiidhi ku haya jidka laamiga ah ee dhexmara Xaafadda Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET