HARGEYSA: Kaadhadhkii Aqoonsiga Muwaadiniinta Somaliland oo la Gubay

Hargeysa(SLpost)-Wakhti badan iyo tacab badan ayey xukuumadda Somaliland galisay halka dhammaan dadweynuhuna ay safaf dhaadheer u galeen unna soo hureen wakhti, maal, tacab iyo samirba sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhka aqoonsiga muwaadinka Somaliland. Sidaa si ka daran ayay muwaadiniintu u sugeen una sugayaan in ay helaan isaga oo samaysan.

 

Haddaba waxa amakaag noqotay in dad sugayey qaadashada kaadhadhkoodu ay  kaadhadh badan oo dab la sudhay ugu tageen meel Hargeysa 15km ka xigta dhinaca waqooyi. Arrintan fajacisada noqotay ayaa waxa telefishanka SLSC oo booqday goobtii kaadhadhka lagu gubay uu wax ka weydiiyey dadkii deegaankaas oo goobta jooga.

 

Caaqil Jirde oo arintaas wax laga waydiiyey ayaa sheegay in ay caruurtu markii hore aragtay oo soo tustay dadka waaweyn. Isaga oo muujiyay in uu aad uga xun yahay oo dhabar jab ku tahay muwaadiniinta reer Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Waa kaadhkii muwaadinka ee markii hore aannu dadka badan ku helnay markii dambena waynay, wakaas oo dabkaasaanu ku aragnay oo caruurtaa noo keentay oo na soo tustay. Qaar badan oo dadkii aan garanayey kaadhadhkoodii ah oo aan ka helay baa jira, qaar kalena waan ka rajaynaynaa haddii aan sii baadho wayse dhinteen oo gubteen, sabab loo gubayna lama sheegin, dawladuna sidanay tahay na may odhan. Kaadhadhkii aannu u joognay ee waxaasoo safaf ah loo galay ayaa sidaa loo gubayaa haddii lana odhan lahaa maanaan galneenba kuyuugaa”

 

“Dawladda karash baa kaga baxay, dadkana wakhti baa kaga baxay markaa dawladdu sida ay waxan u gubtay ama ay muwaadinimada sidan ugu gashay iyada ayaannu ka sugaynaa” ayuu yidhi Jirde isaga oo uu ka muuqdo dareen kacsan.

 

Dadweyne tiro badan oo halkaas isugu soo xoomay oo faqaya kumanaanka kaadh ee meesha ku bas beellay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin.

 

“Dawladdu waxa ay tidhi la socon maayo kaadhkaa la’aantii, annagana kun hawlood baa naga xidhan oo aannu u galnay dad badana way sugayeen imikana waa kuwa halkan lagu gubay, qaar badan oo sugayey baanna kaadhadhkoodii ka helay” ayuu yidhi muwaadin aad uga xun arrintan uu indhihiisa ku arkayo.

 

Muwaadin kale oo aad uga xanaaqsan arrinkan ayaa yidhi “Dawladdu in ay doorashadu dib u dhacdo ayey rabtaa oo kaadhadhkii muwaadiniinta sidaa loogu gubayaa. Guriga shaqaalaha ayey dadku maalin kasta kusii qulqulayaan kaadhadhkoodiina waa kuwa halkan lagu gubay”

 

Wasaaradda arrimaha gudaha oo wax laga weydiiyay ayaa sheegtay in aannay waxba kala socon oo ay aroorta soo hubsan doonaan sida ay wax u dhacayaan.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa ku fasirraya arrinkani in uu yahay tab iyo xeelad xukuumadda talada haysaa ay doonayso in ay carqalad ku galiso doorashada oo dib  loogu dhigo.

 

 

 

HALKAN KA DAAWO
https://youtu.be/FgR-ZXr8p8M