Hargeysa: Dhacdo Dadweynaha layaab ku noqotay, isku-dhac wayna sababi gaadhay oo shalay Guddoomiye Maxkamadeed iyo Taliye Saldhig dhex-martay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdillaahi Ismaaciil (Dhagadhago), ayaa amar ku bixiyay in la xidho Taliyaha Saldhigga Booliska Qudhacdheer ee degmada Maxamuud-Haybe ee magaalada Hargeysa Axmed Cabdi Daahir (Dacawo), taasoo sababtay in ciidan Taliyaha weheliyay iyo kuwa Maxkamaddu ay laba dhinac u kala saftaan.

maxkamadda

Maxamed Axmed Geelle oo ka mid ahaa dhawr eedaysane oo Maxkamadda la horgeeyay shalay, ayaa Maxkamaddu damaanadda sii-dayntiisa soosaartay, iyada oo halkaas lagu sii daayey eedaysanehaas, hase-ahaatee, Askari ka mida kuwa Saldhiga Qudhac-dheer ayaa isku dayay inuu eedaysanaha la sii daayay dib ugu celiyo Baabuurka Ciidanku watay, dibna loogu qaado Ssaldhigga uu hore ugu xidhnaa, ka dib markii uu ku andacooday inuu amar ku haysto in aan la siidaynin, sida ay Wargeyska Himilo u sheegeen dad goob-joog ka ahaa dhacdadaasi.

Isku-daygaasi waxa uu dhaliyay in Guddoomiyaha Maxkamaddu ka cadhoodo, isla markaana sida la sheegay ay ciidanka Maxkamadda ilaalada ka ah iyo hawlwadeenno kaleba gacanta saaraan Askarigaas. Taliyaha Saldhiga Qudhacdheer Mr. Axmed-Dacawo oo isna goob-joog ahaa, waxa uu ku adkaystay in aan la siidaynaynin eedaysanahaas, isla markaana dib loogu celinayo Saldhigga Booliska ee uu ku xidhnaa.

Buuq ka dhashay khilaafkaasi waxa uu soo jiitay dad badan oo Maxkamadda ku sugnaa iyo kuwo jidka marayay inay ku soo ururaan goobtaas, iyadoo la sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadduna uu amar ku bixiyay xadhigga Taliye Axmed-Dacawo. Hase-yeeshee, intaas kadib, xaaladdu waxay isu beddeshay mid kala-dambayn la’aan ah, iyadoo ciidanka ilaalada Maxkamadda ee Guddoomiyuhu amarka siiyay iyo kuwa wehelinayay Taliye Axmed-Dacawo ay la kala saftaan, isla markaana ku sigteen in iska-horimaad ka dhex bilaabmo.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Dhexe Maxamuud Ducaale uu tegay goobtaas, si uu u dejiyo xaaladda cakirnayd ee ka dhalatay diidmada amarka Maxkamadda gobolka ee Taliyaha Saldhigga Qudhac-dheer ku kacay. Sida la sheegay, markii Masuuliyiinta Bilaysku goobta gaadheen, waxa ismaandhaafkaas labada dhinac lagu soo afjaray in go’aankaas Maxkamaddu soosaartay la fuliyo, eedaysanahaasina xoriyaddiisa dib u helo.

Haddaba, Wargeyska Himilo ayaa Xalay ay u suuragashay inuu khadka Taleefanka ku helo Maxamed Axmed Geelle oo ahaa ninka siiddeyntiisa ay Maxkamadda iyo Taliyaha Saldhigga Qudhac-dheer isku maan-dhaafeen, waxaanu Maxamed Geelle Himilo uga warramay sida lagu xidhay marka hore iyo sida ay shalay wax u dhaceen, waxaanu yidhi; “Anigu waxaan ahaa nin dhibbane ah oo Meher leh, Kaalin Shiidaal baan leeyahay anigu, magacaygana Maxamed Axmed Geelle ayaa la yidhaahdaa, markaa waxa dhacday Wiil Meheradda ka shaqayn jiray ayaa lacag afar iyo labaatan Milyan ah ka dhacay qasnadda intuu fure u samaystay. Ka dib Niman Meheradda ka shaqayn jiray ayaa meel dibedda ah ula baxay, baadhistii ay dawladdu sharciga u lahayd bay iyagu fushadeen, ka dib Nimankii waa la xidhxidhay, anigii dhibbanaha ahaa ee Hantidiisu maqnayd ee Odaygii meesha ahaana waa la igu daray.”

Maxamed Axmed Geelle oo sii sharraxaya dhacdadaas waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Ka dib waan-waan baa timi oo waa la isyara fahmay xaggii reeraha, maaddaama oo aan Odaygii meesha ahay, maaddaama oo aanan anigu falka ku jirin innamadaasi galeen oo aanan shaqo ku lahayn, mar haddaan Odaygii meesha ahay inaan meeshii ka Odayeeyo oo nimankaasi fool-xumaday sameeyeen Odaygii daboolayey baan ahay aan daboolo, ka dib dammaanad baa la ii dalbaday, dammaanaddi way timi shalay (dorraad), Inanka Taliyaha ka ah Saldhiggaas Qudhac-dheer ayaa diiday inuu igu sii daayo dammaanaddii, haddana waxa dhacday saaka (shalay subax) oo xilligii Maxkamadda la I keeni lahaa ah baa la I keenay, waxa la igu xidhay inaan arrintaan waxaan ka qaban karo ka qabto oo aan ka odayeeyo, dammaanaddaydana la isiiyo oo aan ka baxo meesha, markii dammaanaddii la isiiyey ee Ninkana warqaddii dammaanadda la iigaga qaadayey la siiyey, ayuu ninkan Askariga ahi yidhi; ‘Ma baxayo’ dib ayuu Maxbuus iiga dhigay ninkaygii la sii-daayey.”

“Maxkamadda dhexdeeda ayuu taagan yahay, Guddoomiyihii Maxkamadda ayaa ku yidhi; ‘Waar Ninkan dammaanad baan ka qaaday, dammaanaddana xaq buu u leeyahay ee faraha ka qaad’ ‘kama qaadayo,’ buu yidhi. Xeer-ilaaliyihii baa loo yeedhay gobolka haystay, Xeer-ilaaliyihii iyo Faysal oo wada jooga ayaa yidhi; ‘Ninkan faraha ka qaad,’ ‘kama qaadayo,’ ayuu haddana yidhi. Al-nahaaya, markii dambe Hoggaankii Booliska ayaa yimi, markaa waa la wadahadlay, markii la wadahadlay waxa uu Xeer-ilaaliyuhu sheegay qodobkaan ku eedaysanahay inuu dammaanaddu oggol yahay oo aan xaq u leeyahay, Guddoomiyaha Maxkamadduna sidaasuu u sheegay, waxa lagu yidhi; ‘ninkii maxaad ku haysataa ninkan? Wuxuu ku hadlo ayuu garan waayey oo wuu kamakama leeyey. Anigana dammaanaddaada qaado oo arrinkaa aad Odayga u tahay ka Odayee oo dhammee ayaa la igu yidhi. Markaa sidaas ayaan anigu meesha kaga soo baxay oo aan dammaanaddaada ku bax. Markaa, mashaqadaas ayaa maanta (shalay) meesha ka dhacday.” ayuu yidhi Maxamed Axmed Geelle.

Mar Maxamed Axmed Geelle la weydiiyey inay Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Taliyaha Saldhigga Qudhac-dheer isku dheceen iyo in kale waxa uu yidhi; “Dee Amarkii markuu ka qaadan waayey (Taliyahaasi) ee uu yidhi Guddoomiyaha Maxkamaddu waar amarka qaado ee uu diiday, dee ummaddii meesha joogtay oo dhan baa yaabtay oo daawanaysay Taliyahaa. Laakiin, markii dambe Hoggaanka Booliska ee meesha yimi ayaa kala furfuray hawshaas. Wax dhibaato ah oo kale may kala gaadhin, balse fool-xumaa dhacday oo kol hadday Booliska iyo Maxkamaddu wada shaqayn waayaan dee fawdo iyo ceeb baa dhacaysa. Waayo? Marka ay Boolisku cid soo qabtaan ee ay soo eedeeyaan ee ay Maxkamadda keenaan, dee waa habboon inay Maxkamadda u hoggaansamaan, laakiin haddii wada-shaqaynta Hay’adaha dawladdu xumaadaan nidaamka iyo kala dambayntaa burburaya.”

XIGASHO: Himilo