Haddii aad Kombutar isticmaasho, sideed u ilaalin kartaa caafimaadka Indhahaaga?!

Isticmaalka komburrada iyo guud ahaan qalabka elektroniga ee shaashadaha leh waxay khatar ku noqon karaan indhahaaga haddii aan loo isticmaalin si taxader leh. Halkaan waxaa idinkugu soo bandhigaynaa dhowr qodob oo aad raaci karto si aad u ilaaliso caafimaadka indhahaaga markaad isticmaalayso komburrada.

1. Fadhiiso meel ku haboon – Kursiga aad ku fadhiisato, qaabka aad u fadhiisato markaad kombutarka isticmaaleyso waxay ka qeyb qaadan karaan caafimaadka indhahaaga. Ku fadhiiso kursi aad ku raaxaysan karto, isticmaal shaashad balaadhan, marnaba indhahaaga haku qasbin wax aanay akhrin karin. Guud ahaan sameyso qaab fadhi kugu haboon oo aadan dareemeyn wax culeys ah.

2. Iftiinka Goobka – Aad ayuu muhiim u yahay qodobkani, goobta aad ku isticmaaleysid kombutarka waa in ay lahaataa iftiin fiican, isticmaal laydh iftiinkiisu fiicanyahay oo aanu daciif ama saa’id ahayn. Laydhka ha isku soo jeedin, dhabarkaagana ha dhigin oo waxa habboon meel dushaada ah. Sidoo kale iska eeg iftiinka ka imaanaya kombutarkaaga, isticmaal sawir aan indhaha u dhib badneyn shaashaddaada. Farta kombutarka waaweynayso haddii aad u baahato.

3. Indhaha isku qabo, kana kac fadhiga – Markaad isticmaaleyso komburrada dabeecad ka dhigo in aad indhaha isku qabato oo aad sameyso ilbiriqsi dhowrkii daqiiqada. Sidoo kale markaad xoogaa fadhido isaga kac kombutarka oo xoogaa socsoco si ay indhahaaga u nastaan.