Guusha Conservative-ka Muxuu Ka Yidhi Ra’iisal Wasaare David Cameron?

London, (SLpost)- Ra’iisal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron ayaa guushii xisbigiisa ka dib sheegay inuu hogaamin doono hal waddan, isla markaana uu samayn doono Britain isku duuban oo xoogan.David Cameron

Cameron ayaa taageerayaasha xisbigiisa u sheegay in guushani ay tahay tii ugu wanaagsanayd ee soo marta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Ingiriiska ee Labour-ka ayaa lumiyay kuraa badan, gaar ahaan Scotland oo ay wada qaateen xisbiga SNP.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Ed Miliband ayaa is-casilay, ka dib markii xisbigiisa ay lasoo deristay guul-daro weyn, isla markaana uu waayay kuraas ku filan. Sidoo kale, waxa is-casilay hogaamiyeyaasha xisbiyada Liberal Democrats Clegg iyo UKIP Nigel Farage.

Xisbiyada ayaa kuraasta baarlamaanka u kala helay sidan:-

  • Conservative 331
  • Labour 232
  • SNP 56
  • Liberal Democrats 8
  • DUP 8

iyo Kuwa kale oo helay 15

Somalilandpost.net