Gunaanadka Hawsha Dib-u-dhiska Madaarka Hargeysa oo Mar kale la Muddeeyey iyo Jawaab Wasiirka Duulistu ka Bixiyey Dhaliil loo jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland,  Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta dhagax dhigay wejigii u dambeeyay ee dib u dhiska iyo casriyaynta madaarka magaaladda Hargeysa, ayaa mar kale muddeeyey hawsha gebo-gabada casriyeynta madaarka Caasimadda.

Wasiir Maxamed Xaashi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Axmed Dalal Faarax oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay madaarka Hargeysa oo hawlaha dib-u-dhiska iyo Casriyeyntu ka socoto, waxa uu sheegay in hawsha dib-u-dhiska madaarku ay dhammaan doonto Bisha June ee Sannadkan.

 Duulista hawada“Madaarrada Somaliland way badan yihiin haseyeeshee, daraasad aanu samaynay dabadeed  waxaanu go’aansannay labada garoon ee ugu waaweyn inay u mudan yihiin in laga bilaabo waxqabadka, mashruuca waxaan u qaybinay laba qaybood oo isle’eg, garoonka Hargeysa waxaanu ugu tallo galnay dhabadda (Run-waygii) hore ee ka koobnaa 2km iyo 400m in lagu sameeyo dib-u-dhis, Runwaygaa waxa la dhisay 1958, waad garan kartaan wakhtiga laga joogo, mashruucan Kuwait ma ahee muddadii xukuumadani jirtay wax wayn ayay ka qabatay madaaradda dalka gaar ahaan madaarka Hargeysa ka Berberna wax badan ayaa laga qabtay,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawadu.

Maxamuud Xaashi waxa uu jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay siyaasiyiin mucaarid ah oo ku eedeeyay inuu musuqay mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa, “Dad badan oo war-xumo tashiila oo aan xog ogaal ahayn ayaa yidhaahda mashruucii waa fashilmay oo wayska xidhan yahay garoonkii oo wax ka socda aan ogayn oo baadhitaan rasmiya oo aan ku dhisnayn xaqiiqada run-na aan ahayn. bini ‘aadanku marka uu wax sheegayo waxay ku qurux badan tahay inuu wax uu hubo sheego, markaa mashruucan waxaan rumaysanahay inuu najaxayo oo uu noqon doono talaabo wayn iyo horumar wayn oo ku soo kordhay dalka garoonka caasimadana ka dhigo doono garoon casriya,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Madaarka HargeysaDabayaaqada Sannadkii hore ayaa saraakiil ka tirsan Wasaaradda Duulista iyo Hawada ay dhammaadka hawlaha dib-u-dhiska madaarka caasimadda u muddeeyeen bisha saddexaad ee sannadkan, iyada oo wakhtigaas ay ka jawaabayeen dhaliilo loogu jeediyey geeddi-socodka dhismaha madaarka oo gaabis noqday.

SOMALILANDPOST.NET