Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer oo sheegay in wada shaqayn la’aani ka dhaxayso maamulka Gobolka

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer - Guuleed

Burco (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, ayaa sheegay in wada shaqayn la’aani ka dhaxayso maamulka gobolkaas, isla markaana uu Badhasaabka hadda xilka hayaa marka uu safar u baxayo Xafiiska ka sii xidho ku-xigeenkiisa, Askartana uu ku sii ballamiyo, taasina ay caqabad ku noqotay habsami u socodkii hawlaha shaqo marka uu Guddoomiyuhu maqan yahay.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer - Guuleed

Guuleed Daahir Samatar oo ku sugan magaalada Burco ayaa waraysi siiyay Weriyayaal Wargeyska Ogaal ka tirsan oo safar shaqo ku jooga magaaladaas. Waraysigaas oo uu kaga warramay arrimo kala duwan oo dhawr ah, isaga oo ugu horreyn kaga hadlaya xaaladda hadda, waxa uu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan ka warramo xaaladda Gobolka Togdheer ku sugan yahay, xaaladda Gobolka xagga siyaasad ahaan iyo nebed-gelyo ahaan maaha sidii looga bartay maamulladii hore, waxaa jira inaan Maamulkii Dawladda ee halkan joogay aanay ka dhaxayn wax wada shaqayn ahi, sida inaan Xafiisna Xafiis ka warhayn inuu shaqaynaayo oo wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeyaa ma jirto. waxaa kaloo jirta in xagga nabadgelyadu aanay fiicnayn, waayo marka dadka iyo maamulku isku xidhan yihin, dadku way ka shaqaynayaan nebedgelyada oo way ku soo wargelinayaan wixii jira, laakiin marka aanay wada shaqayni jirin cid kula soo xidhiidhaysaa ma jirto, taasina waa ta maanta haysa Maamulka jira ee Gobolka Togdheer oo waxaa jira faraq ballaadhan oo xagga Maamulka iyo dadweynaha u dhaxeeya, taasina waxay keentay in dadku arrimahooda ku xalistaan geed hoostii markii ay ka aayo waayeen Maamulka.”

“Waxa intaasi dheer magaaladu waa magaalo ballaadhan, waxaana jira dhalinyaro la isku yidhaahdo Bahda Ciyaaraha, taas oo dadku ogaayeen wakhtigii aanu maamulka haynay inaanay jirin wax dhibaato ah oo soo dhex-geli jiray dhalinyaradaas, maantana waxaa jrta in Maamulkii Ciyaaruha iyo dhalinyaradii la qaybiyay oo laga dhigay qolooyin oo ay Burco maanta ka samaysan yihiin laba garoon. Kala qaybsanaantas dhalinyrada waxa u sabab u ah Maamulka Gobolka, murankaas oo ka soo bilaamay maalintii dhalinyarada qurba-jooggu yimaaddeen oo ay ahayd in xulka Gobolku la ciyaaro oo si tashi ah loo soo xulo, waxaase dhacday in Naadi ka mid ah naadiyada gobolka oo la yidhaahdo Caafi oo ay horkacayaan Odayaal iyo Badhasaab ku-xigeenka Gobolka oo aan ciyaarta waxba ka aqoon si yar oo fudud u yidhi Horyaalkii Gobolkaa la Ciyaaraya.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed. Waxaanu tallaabada dhinaca Ciyaaraha ku tilmaamay mid si khalad ah loo sameeyey oo aan habboonayn.

Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer  Guuleed Daahir Samatar, waxa uu sheegay in wada shaqayn la’aanta maamulka Gobolka ay markhaati u tahay in Guddoomiyaha Gobolka Togdheer marka uu safarrayo Xafiiska ka sii xidho ku xigeenkiisa. Guuleed oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Dadkeennu inta badan waxay yidhaahdaan qofku marka uu dhalliilo sheego hebel ayuu neceb yahay, taasi waa khalad, markaas waxa jirta inaanay Maamulkii laftiisu wada shaqaynayn (Guddoomiyaha iyo Ku xigeebkiisa) taasna waxa kuu caddaynaysa markii Badhaasku ka qayb-galay shirkii jig-jiga ka dhacay ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arimaha Guduhu waxay ahayd in Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Todheer sii matalo Guddoomiyaha oo hawshii xafiiska sii wado. Laakiin, Guddoomiyuhu Xafiiskii wuu sii xidhay, innamada Askarta ah ee Xafiiska Gobolka joogana waxa uu amar ku siiyay inaan Xafiiska oo dhan loo furi karin Ku-xigeenka marka laga reebo hoolkii shirarka lagu qaban jiray, taas oo uu hadda sii fadhiisto isaga oo ah Guddoomiye ku-xigeenki Gobolka, markaas iyaga oo ah Muraayaddii Gobolka ayay haddana sidaas yihiin, ninkaas ku xigeenkana Xafiiskii ayaa ka xidhan oo waa ku ceeb.”

Guuleed oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sababta keentay in Badhasaabku ku-xigeenkiisa Xafiiska ka sii xidho, waxa uu yidhi; “Afkayga kama odhan karo wax kale ayaa lagaga xidhay, waxaase halkaas ka muuqata inaanu Badhasabku aaminsanayn ku xigeenkiisa inaanu xilka ka soo bixi karin, xadaa hadii aan Badhasaab ku xigeenku shaqada shaqada aqoon oo ay labadoodu isku san banana yihiin shaqada wuu kaga tagi lahaa, lakiin meesha waxaa taalo aammin-darro u dhaxaysaa labadooda, markaas cidii soo diratay waa inay Gobolka xogogaal u noqoto oo ay dabo gal ku samayso Maamulka Gobolka, waxaanse farta ku godaynaa labada nin ee meesha joogaa laba nin oo Gobolka kaafiyi kara maha cidii la doono ha lagu soo bedelo ee waa in la bedelaa lakiin hadii ay sidan ku eegtaan Madaxta ka saraysaa meel dheer ayaa laga dooni doonaa Burco.”

Mar uu Guuleed ka hadlayey faraqa u dhexeeya wakhtigii ay maamulka Togdheer ahaayeen Xukuumaddii UDUB ee uu ka midka ahaa iyo maamulka hadda waxa uu yidhi; “Xagga nabadgelyada waanu kaga wanaagsanayn oo Gobolkaas wax qabyaalad ah oo ka dhextaagnayd may jirin iyo wax qolo-qolo ah, iyada ay weliba wakhtigaas ay jirtay xifiltan xaga Ururada ah oo ka dhaxeeyay xubnaha siyaasada, waxaadse maanta jira rag si qayaxan arimahaas u gala, taasina waa nasiib daro.”

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir, gebagabadii waraysigaa waxa uu soo jeediyey oo uu dadweynaha gobolka ugu baaqay; “Waxaan dadweynaha ugu baaqayaa inay nabadgeladooda ilaashadaan isla markaasna madaxdoodana ixtiraamaan, waxaan kaloo soo jeedinayaa in cidii soo doortay Maamulka Gobolku ay dib ugu noqdaan waayo maha Maamul hananaya xilkii loo igmaday, mana ahaa Maamulka wakhtiga adag Togdheer ka saari kara, waxaana aan Madaxweynaha kula talinayaa inuu tixgeliyo rabitaanka shacbiga.” Sidaa ayuu yidhi Guuleed Daahir Samatar.

Xigasho: Ogaal