Guddoomiye Cirro oo Qiray inuu Madaxtooyada u Gudbiyey Waraaq la sheegay inay ka Cadhaysiisay Madaxweyne Siilaanyo

cabdiraxman-cirroHargeysa (SLpost)- Guddomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed (Cirro) ayaa Maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Guddomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamud Aadan, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Golaha Guurtida, kaas oo ay kaga wada-hadleen xaallada Siyaasadeed ee dalku marayo xilligan iyo sidii meel dhexe laysugu iman lahaa is-maanfka siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta u faahfaahiyey nuxurka kulanka dhiggiisa golaha Guurtida, waxa uu sidoo kale ka hadlay warar sheegayay inuu madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo u gudbiyey Waraaq uu kaga dalbanayo inuu Xubno metela xukuumaddiisa u soo diro Shirka TALO-QARAN ee Axsaabta Mucaaradku ku baaqeen qabashadiisa.

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA GUDDOOMIYAHA

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net