Guddoomiyahii Xisbiga Kulmiye ee Togdheer Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Qaabkii Xilka Laaga Qaaday Guddoomiye Muusena Ugu Baaqay Inuu Ka Laabto

 

Burco(SLpost)-Guddomiyii xisbiga Kulmiye ee gobalka Todheer ee dhawaan xilka laga qaaday Sahal Aadan ayaa guddoomiye Muuse Biixi xilka qaadistii uu ku samaayey ugu baaqay inuu ka noqdo, isaga oo ku eedeeyay in uu sharci daro sameeyay.

Guddoomiye Sahal Aadan oo la hadlaayay tilifishanka Soomaali News waxa uu yidhi“Waxaan sheegayaa in aanu qaabka xilka layga qaaday ee gudoomiyayaasha gobaladana looqa qaaday aan dastuurka waafaqsanayan, warqadaasi waa ta aan ka hadlaayo waana mid aan wada tashi ku iman, waa arin aan doorasho iyo dastuur xisbigu leeyahay toona ku iman, wadada uu guddoomiyahu xisbiga u jeexa ayaa ah mid guuldaro u horseedaysa, wargalin nama siin waxa uu nagu yidhi oo u danbaysay maamuladiinii soo dhista, sidaanu ugu guda jirnay iyadiina ayuunbay warqadani soo baxday. waxaanu ku leenahay gudoomiyaha dib uga tanaasul tani dhacday adiga oo gudoomiye xisbi ah oo doonaya inaad mustaqbalka dalka u noqotid madaxweyne hadaad dastuurkii iyo wada tashigii aad hareer marto markaad madaxweyne noqotna albaabo badan oo sharci daro ah ayaad furaysaa.”

Burco Somaliland

Somalilandpost