Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sharxay Natiijada Kulamo uu Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah la Yeeshay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada Kulamo uu magaalada Nairobi kula yeeshay wakiillada Beesha caalamka iyo madax ka socda dalka Soomaaliya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Saxaafadda la hadlay maanta kaddib markii uu ka soo degay gegida diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inuu kulamo la qaatay wakiillo ka socda beesha Caalamka isla markaana ka wada-hadleen arrimo quseeya doorashooyinka Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay inuu magaalada Nairobi kula kulmo siyaasiyiin u dhashay Soomaaliya oo ay ku ballansanaayeen halkaas, kuwaas oo uu sida uu sheegay ay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan siyaasadda Soomaaliya.

“Laba arrimood ayaan u tegay oo kala ah in aan beesha caalamka oo inaga soo niyad jabaysay ku idhaahdo faraha hana qaadina wali rejaanu leenahaye iyo Dad kale oo reer Soomaaliya ah oo aanu iyagana meesha ku balansanayn, nasiib wanaag waxa kale oo aan iyagana ku kulnay qolada ONLF iyo qolo Salaadiin ah oo Puntand ka soo jeeda iyo Axmed Madoobe, kulamadaasi waxaanu kaga wada hadalnay sidii Somaliland iyo Soomaaliyaba loo badbaadin lahaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.