Guddoomiyaha Ururka KHAYR IYO BARAKO oo koob guddoonsiiyay Madaxa Xidhiidhka Kubadda Koleyga ee Somaliland

xasan2Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako, Xasan Cumar Hurre, ayaa maanta koob guddoonsiiyay Madaxa Xidhiidhka Basketka Somaliland Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax).

Guddoomiyaha Ururka Khayr iyo Barako Xasan Cumar Hurre oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ururka Khayr iyo Barako oo xaruntiisu tahay dalka Finland ka shaqeeyo arrimaha samo-falka iyo dhiirigelinta dhallinyarada.

Guddoomiye Xasan wuxuu u ballanqaaday Madaxa Xidhiidhka Basketka ee Somaliland in ururku

sannadkan gudihiisa soo gaadhsiin doono koobab iyo qalabka ciyaaraha ee kala duwan, isagoo sidoo kale xusay inay jirto deeq ay ugu tallogaleen dadka tabaalaysan ee Somaliland oo dhawaan dalka soo gaadhi doona, islamarkaana ururku ahmiyad weyn siinayo taageerada dhallinyarada.

xasanMadaxa Xidhiidhka Basketka ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Xasan Cabdillaahi Qodax, ayaa uga mahadnaqay Ururka Khayr iyo Barako deeqda uu soo gaadhsiiyay bahda ciyaaraha Somaliland.

Mr. Qodax waxaa uu ballanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan Ururka Khayr iyo Barako, kana guddoomeen deeqda ururku soo gaadhsiiyay.