Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuqa oo ka deyriyey awoodda Hawl-galka hay’addaas

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komiishanka Maamul-wanaaga iyo la-dagaalanka Musuq-maasuqa Md Axmed Muxumud Madar, ayaa ka deyriyey awoodda waxqabadka hay’addaas uu madaxda ka yahay, isaga oo tilmaamay inay kartida komishankoodu ku xidhan yahay haddaba inta ay le’eg tahay awooddooda dhaqaale.

Md Axmed Muxumed Madar waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta ka hadlay kulan loo furay masuuliyiin ka socota hay’adaha dawladda iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah, kaas oo ku saabsanaa dejinta istiraatiijiyad qaran oo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, laguna hagaajinayo Maamulka Hay’adaha dawliga ah.

Axmed muxumed madar

Md Axmed Muxumud Madar Gudoomiyaha Gudida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo kulankaasi ka furay Hotel Maansoor ee Magaalada hargaysa ayaa waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedada guud ee kulankan oo uu ku tilmaamay dejinta istiraatiijiyad qaran oo lagula dagaalamayo lagagana hortegayo musuqmaasuqa isla markaana lagu hagaajin lahaa maamulka hay’adaha dawladeed ee jira.

Md Madar waxa uu xusay in kartida iyo waxqabadka hay’adani uu ku xidhan yahay hadba inta ay le’eg yihiin awoodaha ay ku hawl galayso iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin shaqaalaha ka hawlgala iyo dhaqaalaha ay u baahnaan karto si ay u fuliso Waajibaadka loo xilsaaray.

SOMALILANDPOST/Hargeysa