Guddiga Turxaan-bixinta Khilaafaadka Kulmiye oo Go’aamiyey in Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa aan lagu tarmi Karin Shirweynaha Xisbiga

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Turxaan bixinta Khilaafka siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye oo madaxweynaha Somaliland dhowaan magacaabay, ayaa caawa  go’aamo ka soo saaray natiijada Kulamo ay la qaateen dhinacyada isku haya Xisbiga .

Go’aamada guddiga oo lagu socodsiiyey guddoomiyaha xisbiga iyo madaxweyne ku-xigeenka oo kala hoggaaminaya labada garab ee xisbigaasi u kala jabay, ayaa ka kooban toban qodob oo ay u arkeen inay xal kama dambays ah u noqdo khilaafka xisbiga.

IMG_0004Go’aamada guddigu soo saareen, ayaa u qornaa sidan: “Mudanayaal, sida aad la socotaan waxaa madaxweynaha JSL u magacaabay gudi turxaan bixin khilaafka  soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye kaas oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye. Gudidaas oo ka koobnayd toban xubnood waxay si mug iyo miisaan leh  uga hawl gashay shaqadii loo igmaday. Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala cabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayey iyadoo dhinacwalba la yeelatay sadex kulan oo gaar ah. Si  khilaafka loo fududeeyo waxay gudidu kulamo shakhsi shakhi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayey kaas oo ay u kala dab qaadaysay (shuttle diplomacy). Kulamadaas gaar gaarka ah ka dib waxay gudigu si toos ah isu soo hor fadhiisiyey dhinacyadii wax kala tirsanayey kuwaas oo dhinac waliba ku soo bandhigay wixii uu tirsaanayey si furan oo saraaxad leh.

IMG_0009Hadaba gudigu iyada oo tixgelinaysa wada jirka xisbiga kana duulaysa sidii shirwaynaha xisbigu ugu qabsoomi lahaa wakhtigii loo cayimay iyadoo dhammaan xisbigu mid yahy. Gudidu markii ay dhagaysay doodihii dhinacyada isla markaana ay si baaxadleh u deristay nuxurka khilaafku ku salaysan yahay waxay soo saartay go’aamadan:-

  1. Waxaa awooda qaban qaabada iyo diyaarinta shirka iska  leh gudida qabanqaabada shirweynaha, waxaana gudidaas musdanbeed u noqonaya hogaanka xisbiga.
  2. Iyada oo raacayo dastuurka xisbiga waxay gudiga fulintu ansixinaysaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qabanqaabada,
  3. Hadii loo baahdo waxka bedelka dastuurka xisbiga waxaa awooda diyaarinta waxka bedelka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doonta shirweynaha.
  4. Iyada oo la dhawrayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyadda.
  5. In Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka mid noqdo gudida fulinta  ee xisbiga.
  6. gudida fulinta ee cusub waxaa soo magacaabaya  hogaanka  xisbiga oo wada jira , waxaanay  kala tashanayaan  Madaxwaynaha  JSL.
  7. Saddexda urur ee kala ah  Dalsan  , Damal iyo Umadda waa in la siidaayo  liisaska xubnaha  Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirwaynaha xisbiga ee soo socda .
  8. Sida uu dhigayo sharciga xisbigu  Ergooyinka shirwaynuhu  waxay ka imanayaan  gobolada  iyo degmooyinka , waxaana soo xulaya  madaxda  xisbiga  ee degmooyinka iyo Gobolada iyo  masuuliyiinta heer qaran ee  xisbiga u  matalaya  gobolada iyo degmooyinka .
  9. Soo xulista xubnaha golaha dhexe  ee lagu  dooran doono  shirwaynaha waxaa lagu soo xulayaa  sida ku cad qodobka  sideedaad.
  10. Gudida turxaanbixinta  khilaafka  xisbigu  waxay   dusha kala soconayaan fulinta go’aamada  ilaa inta shirku qabsoomayo.

DHEGAYSO GO’AAMADA GUDDIGA

Magacyada  Guddida Turxaan bixinta

No: Magaca Saxeexa
1 Wasiirka Arrimaha Dibada   (Gudoomiye )
2 Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga  (G-Xigeen)
3 Xil.Cali Xasan Maxamed   (Xoghaye )
4 Wasiirka Duulista Iyo Hawada
5 Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare (Xubin )
6 Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  (xubin)
7 Maareeyaha Haayada Abaabul ka saarka  Qaranka iyo Dib u Jihaynta      (xubin)
8 Xil.Maxamed  Axmed  Obsiye (xubin)
9 Xil.C/rahmaan Abubakar Good  (xubin)
10 C/laahi Jaamac Geel jire  (Xubin)