Guddiga Joogtada ah ee Guurtida oo Warbixin ka hor jeediyey Golaha baaq dhiirri-gelin ahna soo jeediyey

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)- Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta warbixin kaga dhagaystay hawl qabadkii Gudida Joogtada ah ee Golahaasi taas oo ay kaga xogwarameen waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu goluhu fasaxa ku maqnaa.

Fadhigan oo uu shir-gudoominayay ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida isla markaana ah Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi Sh. Axmed Sh.Nuux Fure, waxay ay guddiga Joogtada ah ee Goluhu Warbixintooda ku sheegeen kulamo ay la yeesheen:

1. Wasaarada Duulista iyo Hawada

2. Hay’ada Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq Maasuqa

3. Maayar ku xigeenka Caasimada Hargaysa

4. Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland iyo

5. Warshada Wadaniga ah ee Samaynta Sharaabka ee SBI

Warbixintu waxa ay tilmaantay in kulamadii ay la yeesheen Mas’uuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Hawada ay ku ogaadeen in Madaarada dalka lagu qabqabtay dad badan oo nabad galyada dalka

khal-khal gelin lahaa, Waxaa kale oo ay xuseen in Madaarada Waaweyn lagu xidhay Kaamaradaha lagula socdo dhaq dhaqaaqa dadka isla markaana la keenay Mishiinada Casriga ah ee wax lagu baadho.

Hay’ada Maamul Wanaaga ayaa warbixintu ku sheegtay mid ku cusub qaab dhismeedka dalka isla markaana jirtay mudo sannad iyo badh ah taas oo u dhutinaysa sida ay warbixinta gudida joogtada ah ee golaha guurtidu muujisay Sharciyadii ay ku shaqayn lahayd oo aan weli ka soo bixin labada Gole ee Baarlamanka .

Warbixinta oo ka hadlaysay Dawlada hoose ee Caasimada ayaa cadaysay in wixii ay dadweynuhu ka sugayeen aanay ka helin iyaguna aanay dhamaystirin adeegii ay bulshada uga mas’uulka ahaayeen.  Warbixintu waxay intaas ku dartay mashaariic dhinaca wadooyinka ah oo dawlada hoose ka hirgalisay Caasimada Hargaysa.

Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ayay Warbixintu ku tilmaantay mid ka shaqaysa dhinacyada dimuquraadiyada iyo maamul wanaaga isla markaana ka rajaysay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa iyada iyo Golaha Guurtida .

Gaba gabadii waxay Warbixinta Gudida Joogtada ahi ka warantay kormeer ay xubnaha Gudidu ku tageen warshada wadaniga ah ee Samaynta Sharaabka ee Magaceeda loo soo gaabiyo (SBI) taas oo soo saarta Sharaab lagaga kaaftoomi karo ka dibada la inooga soo waarido.

Waxa ay gudidu gole weynaha u soo jeediyeen sida ugu haboon ee loo dhiirigelin karo wax soo saarka wadaniga ah loo iyo sidii sharaabkan loola tartan siin lahaa ka dibada la inooga keeno.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net